Dawlada Masar Oo Si Adag U Cambaareysay Hawlgelinta Biyo-xidheenka Ee Itoobiya

Qahira (Hayaannews):- Dowladda Masar, ayaa Itoobiya ku eedaysay inay iyadoo keliyi bilawday hawlgelinta Biyo-xidheenka ay shalay daahfurtay, isla markaana waxay Masar ku doodday inay Itoobiya jebisay ballan-qaadyadii 2015-kii ee ahaa in biyaha Niilka lagu maamulo is faham.

Masar ayaa axaddii cambaareysay billowga hal-dhinac ee hawlgallada biyo-xireenka Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD), biyo-xireenka malaayiinta ah ee muranka dhaliyay ee ay Itoobiya ka dhistay webiga Niil.

“Tani waa tallaabo kale oo jabinaysa waajibaadka Itoobiya ee ku aaddan ku dhawaaqida mabaadii’da 2015 ee uu saxeexay Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya,” ayay wasaaradda arrimaha dibadda Masar ku sheegtay qoraal ay soo dhigtay Facebook.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa daah-furay bilowga wax soo saarka korontadda ee biyo xireenka Axaddii. Itoobiya ayaa tan iyo sanadkii 2011-kii dhiseysay biyo xireenka inkastoo ay kasoo horjeesteen dalalka Sudan iyo Masar oo ah dalalka dariska la ah Itoobiya, kuwaasoo mashruucan u arka mid khatar ku ah saamiga ay ku leeyihiin biyaha Niilka. Waxaanu intaas ku daray inaanay waxba iska dhimi doonin Biyaha ay heli jireen Masar iyo Sudan.

Buuxinta biyo-xireenka oo Itoobiya bilawday bishii Luulyo 2020, ayaa illaa 4 bilyan oo doollar lagu maalgaliyay guud ahaan biyo-xidheenka. Waxaana lagu wadaa in uu noqdo mashruucii ugu weynaa ee koronto ee Afrika laakiin waxa ay soo saartay xiisadda gobolka ee ku saabsan xuquuqda biyaha.

Dowladda Itoobiya waxay ku doodday in mashruuca, oo dhalin doona in ka badan 5,000 oo megawatt oo koronto ah, uu yahay mid lama huraan ah si loo daboolo baahiyaheeda horumarineed.

Dhowr wareeg oo wada-xaajood ah, ayaa oo u dhexeeyay Itoobiya, Masar iyo Sudan, ayaa burburay tan iyo markii ay saxeexeen Baaq wadajir ah oo ku saabsan Mabaadi’da 2015, heshiis aan dhaqangelin oo saddexda waddan ay ku heshiiyeen inay iska kaashadaan oo ay ku wada xiriiraan wadaagga biyaha Niilka