Dawlada Ruushka Oo Diniin iyo Hanjabaad Culus U Diray Mareykanka

Moscow (Hayaannews):-  Dowladda Ruushka, ayaa Khamiista maanta uga digtay Mareykanka inay halka  uu mudan yahay dhigi doonaan dalka USA ee quwadda koowaad ee Adduunka isku tiriya, iyada oo ku eedeysay Reer Galbeedku inay abuurayaan shirqool Ruushiyaan naceyb ah oo lagu kala dhantaalayo Ruushka.

Dmitry Medvedev, oo 2008 illaa 2012 ahaa madaxweynaha Ruushka, haddana ah xoghaye ku-xigeenka Golaha Ammaanka Ruushka, ayaa sheegay in Mareykanka ay kiciyeen Ruushiyaan naceyb “laga yaqyaqsiyoodo” si ay jilbaha ugu dhigaan Russia.

“Taasi ma shaqeyn doonto – Russia waxay dhammaan cadowgeeda dhigi doontaa halka ay mudan yihiin,” ayuu yiri Medvedev.

Tan iyo markii Russia ay ku duushay Ukraine 24-kii Febraayo, Mareykanka iyo xulufadiisa Yurub iyo Asia ayaa cunaqabatayno xooggan kusoo rogay hoggaamiyayaasha Russia, shirkadaha, iyo gacasatada, waxayna Moscow ka gooyeen inta badan dhaqaalaha adduunka.

Madaxweyne Vladimir Putin ayaa sheegay in waxa uu ugu yeeray howlgal militari oo gaar ah oo ka socda Ukraine uu yahay lagama maarmaan, sababtoo ah Mareykanka wuxuu Ukraine u adeegsanayey inuu halis geliyo Russia, waxaana Russia qasab ku noqday inay difaacdo “xasuuqa” ka dhanka ah dadka ku hadla luuqadda Ruushka ee Ukraine.

Ukraine waxay sheegtay inay u dagaalmaeyso badbaadinta jiritaankeeda, islamarkaana sheegashooyinka Putin ee xasuuq ay yihiin wax aan jirin. Reer Galbeedka ayaa iyaguna sheegay in hadalka ah inay doonayaan inay kala dhantaalaan Russia uu yahay qiyaali.

Russia waxa ay sheegtay in inkasta oo la saaray cunaqabatayno, haddana ay xaalad wanaagsan ku sugnaan karto ayada oo aan u baahan Reer Galbeedka iyo Mareykanka “khiyaanada badan.”

Waxa ay intaas ku dartay in isku daygeedii ahaa inay xiriir wanaagsan la yeelato Reer Galbeedka kadib burburkii Midowga Soviet ee 1991-kii uu hadda dhammaaay, ayna xiriir wanaagsan hadda kadib la hormarin doonto quwadaha kale ee caalamka, sida Shiinaha.

Xigasho REUTERS & VOASOMALI.COM.