Dawlada Ruushka Oo duqeeysay Sadhig Militari Oo U Dhow Xadka Ukraine iyo Poland

Ukraine(Hayaannews): Ciidamada Ruushka ayaa Axadda maanta ah duqeeyay saldhig militari oo ku yaal galbeedka Ukraine, iyagoo weerarkoodu kusoo dhawaaday xadka dalka Poland, iyada oo diblomaasi sare oo Ruush ah uu ka digay in Moscow ay u tixgelineyso qalabka milatariga ee Ukraine uga imanaya dadlka kale “bartilmaameed sharciga ah.”

Siddeed gantaal ayaa lagu garaacay saldhigga ciidamada Yavoriv, oo 30 KM dhanka Waqooyi-galbeed kaga beegan magaalada Lviv, sida uu sheegay maamulka gobolka oo aan faah-faahin dheraad ah ka bixin khasaaraha ka dhashay weerarkan, waxaana magaaladani ay 35 kilo mitir u jirta xudduudda Ukraine ay la wadaagto Poland.

Maraykanka iyo NATO ayaa si joogto ah tababareyaal militari ugu dira Xarunta Nabadaynta iyo Amniga Caalamiga ah, si ay u tababaraan shaqaalaha milatariga Ukraine. Xaruntan ayaa sidoo kale martigelisay dhoolatusyada caalamiga ah ee NATO.

Ciidamada Ruushka ayaa sidoo kale rasaas ku furay garoonka diyaaradaha ee Ivano-Frankivsk, oo ah magaalo ku taal galbeedka Ukraine oo 250 kilomitir u jirta xadka Ukraine ay la wadaagto Slovakia iyo Hungary.

Duqa magaalada Ruslan Martsinkiv ayaa sheegay in hadafka Ruushka uu ahaa “in la beero argagax iyo cabsi.”

Sabtidii, Ruushka ayaa duqeymo ka geystay magaalooyin ku yaalla dalka Ukraine, isagoo duqeymo xooggan u geystay Mariupol oo ku taalla koonfurta dalkaas, iyadoo duqeymo ka geystay duleedka caasimadda dalkaas ee Kyiv, waxaana la fashiliyay dadaalladii ay wadeen dadka doonayay inay ka baxsadaan rabshadaha.

Sabtidii, Ruushka ayaa duqeymo xooggan ka geystay magaalada Mariupol oo ku taal koonfurta dalkaas, halka duqeymo kalena uu ka geystay duleedka caasimadda dalkaas ee Kyiv, taas oo hakisay barakaca dadka doonayay inay ka baxsadaan rabshadaha Ukraine.

ka geystay magaalooyin ku yaalla dalka Ukraine, isagoo duqeymo xooggan u geystay Mariupol oo ku taalla koonfurta dalkaas, iyadoo duqeymo ka geystay duleedka caasimadda dalkaas ee Kyiv, waxaana la fashiliyay dadaalladii ay wadeen dadka doonayay inay ka baxsadaan rabshadaha.

AP