Dawlada Somaliland Iyo Shirkadaha Isgadhsiinta Oo Kala Saxeexday Heshiis Cusub

Hargeysa (Hayaannews):- Xukuumadda Somaliland iyo Shirkadaha Isgaadhsiinta ee dalka ka shaqeeya, ayaa maanta kala saxeexday heshiis wado lahaansho xadhigga Internet-ka ee Fiber Obtigga Badda hoosteeda mara.

Heshiiskan oo nuxurkiisu yahay in la wadaago lahaanshaha xadhiga fiberka ah oo ah hanti qaran.  Xadhigaas oo ay wada yeelan doonaan Dawlada Jamhuuriyadda Somaliland oo ay heshiishka ku matalayso Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Somaliland.

Madaxda Saddexda shirkadood ee SOMCABLE, TELESOM iyo SOMTEL oo uu weheliyo Wasiirka Isgaadhsiinta ee Somaliland, ayaa maanta saxeexay heshiis ay si siman u wadaagayaan Xadhigga Internet-ka Fiber Optic.

Heshiiska saami-qaybsiga Xadhigga Internetka ee Fiber Optic oo markii hore kooto ugu xidhnaa shirkadda Somcable, ayaa shirkaduhu is-afgarad ka gaadheen kaddib sulux iyo isu-soo-dhawayn xukuumaddu ka dhex-samaysay, waxaanay la sheegay inay saddexda shirkadood ku heshiiyeen inay u qaybsadaan saami-qaybsi ah boqolkiiba 31.7 midkiiba halka xukuumadduna ay yeelanayso Saami ah boqolkiiba Shan.

Sidaa lagu sheegay War-murtiyeed ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland oo Nuqul ka mid ahi soo gaadhay warbaahinta Hayaannews.net, waxa uu u dhignaa sidatan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta oo ay taariikhdu tahay 08,02,2022 qasriga madaxtooyada, ku qaabiley madaxda shirkadaha gaarka loo leeyahay ee isgaadhsiinta oo uu heshiis guul ku soo dhammaaday dhexmaray dawlada Jamhuuriyadda Somaliland.

Heshiiskan oo nuxurkiisu yahay in la wadaago lahaanshaha xadhiga fiberka ah oo ah hanti qaran. Xadhigaas oo ay wada yeelan doonaan Dawlada Jamhuuriyadda Somaliland oo ay heshiishka ku matalayso Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Somaliland iyo saddexda shirkadood ee kala ah:

  1. #SOMCABLE oo uu metelayey Ganacsade Maxammed Siciid Geeddi.
  2. #SOMTEL oo uu metelayey Ganacsade Maxammed Siciid Ducaale.
  3. #TELESOM oo uu metelayey Ganacsade Cabdikariim Maxammed Iid.
  4. #Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Somaliland oo uu u saxeexay Dr. Cabdiweli Sh. Cabdilaahi Suufi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu ku bogaadiyey heshiiska taariikhiga ah ee dhexmaray shirkadaha iyo Dawlada Jamhuuriyadda Somaliland ee ku qotoma Isfahanka iyo wada-shaqaynta, Isaga oo madaxwaynuhu uga mahadceliyey shirkadaha dalka maalgashaday iyo doorka ay ugu fadhiyaan qaranka oo ah mid lama illaawaan ah.”

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com