Dawlada Somaliland Oo Boggaadisay Dhaliisha Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI
September 28, 2020 - Written by admin
Hargeysa-(Hayaannews)-
Xukuumadda Madaxweyne Biixi, ayaa markii ugu horraysay ka hadashay boggaadisay
Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani oo si adag u dhaliilay hoggaamintiisa.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta , dhaqanka iyo
Wacygelinta , Cabdinaasir Cumar Jaamac ayaa ka hadlay go’aanka xukuumadda ee
xisbiyadda mucaaradka loogu ogolaaday in warbaahinta dawladda laga sii daayo
dhaliisha xukuumadda ay u jeedinayaan, ayaa
Xisbiga Waddani si gaar ah ugu amaanay qaabka ugu falceliyey.
“Madaxweynaha ku amaanan inuu wixii lawada làhaa in lawada isticmaalo uu gartay , xisbiyadda mucaaradkana waan uga mahad celinaynaa siday arrintaa u taageereen , gaar ahaan xisbiga Waddani oo wasiirkii hore ee warfaafinta si qiimo badan arintaasi uga hadlay” ayuu yidhi