Dawlada Somaliland Oo Ka Hadashay Dhibaatada Caafimaad Ee Taawarada Is-gaadhsiinta

Borama (Hayaannews) Wasiirka wasaaradda isgaadhsiinta Somaliland, Dr. Cabdiweli Sheekh Suufi Jibriil, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka sheegaya in biraha taawarada isgaadhsiinta xannuuno la hubo laga qaado, taas oo uu tilmamay in aanay jirin daraasad si cad u qeexaysa in ay jiraan xannuuno la isla yaqaano oo laga qaado aanteenooyinka isgaadhsiinta.

Sidoo kale waxa arrintani daba socota kormeer lagu mari doono taawarad isgaadhsiinta ee gobollada Awdal iyo Selal ay ku leeyihiin shirkadaha isgaadhsiintu.

Waxanu wasiirku sidan ka sheegay daah-furtay wajiga labaad ee hubinta cabashada taawarada isgaadhsiinta oo magaalad Borama laga daahfuray, isla markaana lagu hubbinayo xeer nidaamiyaha wasaaradda ee hirarka isgaadhsiinta ee kala duwan.

Wasiirka isgaadhsiinta Dr. Cabdiweli isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi. “Waxan doonaya in aan halkan uga sheego dadweynaha reer Awdal, ma jirto cilmibaadhis la sameeyay xannuun la hubo oo ay dhalliyaan aanteenooyinka isgaadhsiintu.Wasaaraddu daraasad fara badan ayay sameysay, adduunka oo dhan ayay u dirtay waxaana soo baxday maanta in aanay jirin wax la hubo oo taawaradasi keenaan, qalabka ku xidhan iyo signalka ay soo daynayaana uu yahay kii istaandarka ahaa ee adduunka, kaasna waanu hubbinayna oo waaka aanu u nimid maanta gobolka Awdal, Selal, shaqaale ka socda wasaaradda iyo qalab ay wataan ayay ku hubbinayaan, waxanu ugu baaqayna dadweynaha reer Awdal dhammaantood inay soo dhaweeyaan”

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewssoma@gmail.com