Dawlada Somaliland oo ka Hadashay Horumarka laga Sameeyey Dhaqaalaha 2018kii

Hargeysa(Hayaannews)-Xukuumadda Somaliland ayaa soo saartay Warbixin  muujinaysa horumarka laga sameeyey dhaqaalaha  dalka sannadkii hore 2018kii.

Sidaasna waxa lagu sheegay warbixin ay soo saartay Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda , oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Wakaallada Wararka Somaliland (SOLNA).

Warbixintan waxa lagu iftiimiyey  in sannadkii 2018kii ay dalka ka dhoofeen  Hal Milyan, Saddex Boqol iyo Toddoba iyo Sagaashan Kun iyo 466 neef, waxa kaloo dalka laga dhoofiyey  Hal Milyan,  435   kun, iyo 650 xabo oo iskugu jiray Hargo iyo Saamo. 

Wasaaradda Horumarinta Maaliyaddu waxay intaas ku dartay in dalka laga dhoofiyey Hal Milyan, 217 kun iyo 397 Kiiloo Garaam oo  iskugu jiray Malmal iyo Foox.

Warbixinta Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda waxa lagu  caddeeyey in dalka laga dhoofiyey 48 Kun iyo 775 Kiiloo Garaam oo ah Kalluun Daray ah.

Sidoo kale waxa Wasaaraddu sheegtay in sannadkii 2018kii la soo dejiyey  64 Milyan, 390 Kun  iyo 37 Kiiloo Garaam oo khudaar darey ah, halka ay soo degeen  10 Milyan , 34 kun iyo 281 Kiiloo Garaam oo Caano ah.

Waxa kaloo  Somaliland soo la soo degtay sannadkii hore 2 Milyan, 338 Kun iyo 545 Kiish oo Bariis ah, halka Sonkorta soo degtayna xadigeedu ahaa  3 Milyan, 366Kun iyo 261 Kiish.

Geesta kalena, sicir Bararka ayaa hoos u dhacay Sannadkii hore waxaanay wasaaradda Horumarinta Maaliyaddu shaacisay inuu Bishii March 2018kii uu marayey 18.9%, halka Bishii Aprilna 2018 uu hoos ugu degay   18.3%.

Wasaaradda Maaliyaddu waxay xaqiijisay in sannadkan 2019ka uu Sicir bararku hoos ugu dhacay  7.2%, halka Bishii March ee la soo dhaafayna uu gaadhay7.0%.