Dawlada Somaliland Oo Ka Hadashay Weerar Lagu Soo Qaaday Ciidamada Qaranka Ee Jiida Hore

Hargeysa-(Hayaannews):- Wasaaradda Gaashaandhiga  Jamhuuriyadda Somaliland ayaa shaacisay in kooxaha huwanta ah ee isugu jira Ciidanka Maanulka Putland-Somaliya, Argagixisada iyo kuwa nabadiidka ah Ee ku sugan Laascaanood ayaa saaka 4:30 subaxnimo weerar ku soo qaaday fadhiisimada ciidamada Qaranka, Jamhuuriyadda Somaliland ee Magaalada Laascaanood.

Waxaanay Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland si adag isaga difaaceen weerarka ay soo qaadeen kooxaha huwanta ahi ee ay hogaaminayso Puntland, iyadoo marnaba Ciidanka Qaranku aanu weerar ahayn, ilaalinayo xabad joojintii Xukuumaddu ku dhawaaqday, tiraba dhawr jeer.

Masuuliyadda weerarkan waxaa qaadaysa Maamulka Puntland-Soomaliya iyo kooxaha huwanta ah ee ay hogaaminayso ayna ka mid yihiin kooxaha Argagixisada ahi.

Dagaalkan saaka ay soo qaadeen Ciidamada Puntland iyo kooxaha Argagixisada ah ee isgarabsanaya ayaa ahaa mid muddooyinkii u danbeeyey laga shaqaynayey abaabulkiisa meelo badana la isaga yimi, ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ka jawaabay weerarkan ay soo qaadeen Puntland iyo huwanta la socotaa.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com