Dawlada Somaliland Oo Markii Ugu Horeysay Ka Hadashay Damaca Ethiopia Ee Dekedda Saylac Iyo Arrimo Kale.

“Waanu joojinaynaa wadahadallada (Soomaaliya) kol haddii aanay qolada Soomaaliya diyaar u ahayn in laga gun-gaadho”WAREYSI: Wasiirka Arrimaha Dibada Dr. Ciisa Kayd Mohamuud.

Hargeysa (Hayaannews)- Xukuumadda Somaliland, ayaa markii u horeysay ka hadashay wararka sheegaya in dowladda Ethiopia damac kaga jiro Dekedda magaalada Saylac xilli uu madaxweyne Muuse Biixi ka soo laabtay socdaal uu ku tagay dalkaas.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr Ciise Kayd waxa uu gebi ahaanba waxba kama jiraan ku tilmaamay in dowladda Ethiopia ay madaxweynaha Somaliland kala hadashay arrinta ku saabsan dekedda Saylac isla markaana aanu jirin tuhun ay u muujisay oo ku saabsan damac kaga jira dekeddaas.

Wasiirka Arrimaha Dibadd oo madaxweynaha ku wehelinayay safarka dalka Ethiopia, waxa uu sheegay inay dowladda Ethiopia ka wada-hadleen sii xoojinta xidhiidhada labada waddan ee dhinacyada siyaasadda, ammaanka, Ganacsiga iyo qodobbo kale.

“Waxaanu ka wada-hadalnay danaha labada waddan sida siyaasadda, ammanka, isticmaalka dekedda Berbera, isu-dheelli-tirka Ganacsiga labada dal waayo Ethiopia iyada uunbaa wax innaga iibisa, waxaanu ka wada-hadalnay sidii aynu innaguna Ethiopia wax uga iibin lahayn sida kheyraadka Badda iyo Milixda,” Sidaas ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Essa Kayd Maxamuud oo u warramay laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da.

Wasiirka oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Waxa kale oo aanu ka wada-hadalnay inaanu joogtayno kulamada labada dhinac iyo samaynta guddi Heer Wasiirro ah, Itoobiya-na waxay doonaysaa inay sii xoojiso xidhiidhka ay la leedahay Somaliland.”

Wasiir Kayd, waxa uu soo dhaweeyey, talaabo lagu diirsado oo miisaan lehna ku micneeyey dooddii ay mudaneyaasha Baarlamanka dalka UK ku soo bandhigeen qaddiyada aqoonsiga Somaliland “hawshaasi waa howl aad iyo aad u muhiim ah, xildhibaanada ka doodayey waxay ka koobnaayeen saddex xisbi ee dalkaasi ugu waaweyn, waxa bogaadin mudan wakhtiga dheer ee laga doodayey, mudaneyaashaasi aadbay xogogaal ugu ahaayeen qadiyada iyo taariikhda Somaliland, waxaanay si’ qoto dheer u muujiyeen inay tahay JSL dal mudan in la aqoonsado. dhayal maaha in fagaare noocan oo kale ah qadiyadda Somaliland lagu soo bandhiggo, Baarlamanka Ingiriiskuna wuxuu kamid yahay baarlamaanada ugu waaweyn adduunka”

Hase yeeshee waxa uu arrin lala yaabo oo ay waayo-aragnimo siyaasaddeed iyo xogoggaalnimo ka maqan tahay ku tilmaamay haddalka ka soo yeedhay Wasiirka arrimaha Afrika u qaabisal  dawladda Ingiriiska Mrs Vicky Ford oo fal-celin aan miisaan lahayn ku qaabishay doodda Baarlamanka dalkeeda “Dawladda Ingiriisku waa dawlad aanu xidhiidh wanaagsan la leenahay. Haweenayda u qaabilsan UK, Afrika qoraalkeeda waxa ka muuqatay khibrad yaraan siyaasaddeed, xogoggaal la’aan iyo faham la’aan siyaasaddeed. baarlamankii ayaad arkaysay inuu ka baaraan-degay oo uu shiilay qadiyaddan Somaliland, markaa haddana  dawladda UK hawlo badan ayaa noo socda oo ganacsigu kamid yahay” – “waad ogtahay shirkad la yidhaahdo PIE inay lacag dhan saddex boqol iyo labaatan malyuun oo doolar($320,000,000)  gelisay dekedda Berbera”

Wasiirka oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey waxa ka jira damaca dowladda Ethiopia ee Dekedda Saylac iyo haddii ay ka wada-hadleen, waxa uu ku jawaabay, “Taasi waa arrin aan sal iyo raad-toona lahayn, waa propaganda ay dadka Somaliland neceb meel walba galiyeen, arrintaas wax aanu kala hadalnay ama Ethiopia nagala hadashay ma jirto,” sidaas ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland.

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland waxa uu sheegay inay xukuumad ahaan joojinayaan wada-hadallada kala dhexeeya Soomaaliya oo uu ku eedeeyey inaanay masuuliyiinta dalkaasi madaxda ka ahi diyaar u ahayn midho-dhalka wada-hadallad “Wadahadalladaasi waxay soo bilaabmeen 2012-kii ilaa hadda wax midho-dhal ahi kama soo bixin shirarkii kala duwanaa ee wadamada kala gedisan lagu qabtay, waanu joojinaynaa wadahadallada (Soomaaliya) kol haddii aanay qolada Soomaaliya diyaar u ahayn in laga gun-gaadho” – “Midna in la ogaado ayaa muhiim ah “Soomaaliya wax aqoonsi ah oo ay Somaliland u haysaa ma jirto oo kaga xidhan, waayo? soddon sanno ayaanu dawlad ahayn keligayo”.Ayuu yidhi Dr. Ciise Kayd Maxamuud.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com