Dawlada Somaliland Oo Shaacisay Inay Dib U Fasaxday Duulimaadyada Shirkadda AIR ARABIA

Hargeysa (Hayaannews)-Xukuumadda Somaliland, ayaa maanta shaacisay inay dib u fasaxday duullimaadyada ay dalka ku iman jirtay shirkadda diyaaradaha ee Air Arabia oo laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta.

Xukuumadda Somaliland ayaa go’aan ay soo saartay bishii April 2020-kii liisamada kala noqotay Shirkadaha Diyaaradaha Air Arabia iyo Flydubai oo labadoodu duullimaadyadii ay ku iman jireen Somaliland u joojiyey sababo la xidhiidha xannuunka Covid-19 oo xilligaas si xawli ah ugu faafayey dunida.

Labada shirkadood ayaa lagu eedeeyey inay u hoggaansameen go’aan dowladda Soomaaliya oo dabayaaqadii bishii March 2020 shaacisay inay xidhay hawada iyo madaarrada Soomaaliya, iyaga oo aan wax war ku soo war-gelin hay’adda Duullimaadyada Somaliland.

Maareeyaha hay’adda Madaarrada iyo Duullimaadyada Somaliland Cumar Cabdilaahi Aadan oo maanta warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in shirkadda AirArabia dib u bilaabayso duulliyaadyadii ay ku iman jirtay Somaliland kaddib markii heshiis iyo is-afgarad dhexmaray Xukuumadda iyo maamulka sare ee shirkadda Air Arabia.

Muuqaalka Hoose kaga bogo shir-jaraa’id oo maareeye Cumar Sayid kaga hadlay go’aanka xukuuumaddu xayiraadda ka qaadday shirkadda Air Arabia.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewssoma@gmail.com