Dawlada Somaliland Oo Shaacisay Tirada Dadka Ay  Saameysay Abaartu Iyo Qorshaheeda.

Guddida Gurmadka Abaaraha oo ku dhawaaqay  inay dalka ka jirto xaalad abaareed oo baahsani

Hargeysa(Hayaannews): -Guddida heer qaran ee gurmadka abaaraha Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqday inay dalka ka jirto xaalad abaareed oo baahsani, taas oo saamaysay dad tiradoodu gaadhayso 810,000 (Siddeed boqol iyo toban kun) oo qof.

Guddidan oo uu dhawaan golaha wasiirrada ka dhex magacaabay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, islamarkaana uu guddoomiye u yahay madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo maanta shir jaraa’id qabtay, ayaa shaaciyey inay dalka ka jirto xaalad abaareed oo saamaysay gobollada iyo degmooyinka dalka, waxana ay soo saareen war-saxaafadeed ay ku faahfaahinayaan baaxadda abaarta iyo tallaabooyinka guddi ahaan u qorshaysan iyo baaqyada ay dirayaan, waxana uu warsaxaafadeedkaasi u dhignaa sidan:

Ka dib markii roobabkii Gu’gu uu teel teel ku ahaa qayb ka mida dalka, roobabkii Deyrtana aan la helin waxa marag ma doon ah in dalka ay ka jirto xaalad abaareed.

Haddaba, Iyada oo lagu salaynayo warbixinta hordhaca ah ee NADFOR ee la xidhiidha xaaladda abaarta ayaa waxaa fadhigii 83aad ee Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland uu madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi magacaabay  Guddida  Gurmadka Abaarta oo ka-hawl gashay qiimaynta xaaladda iyo dejinta qorshaha lagaga jawabayo.

Guddida qaran ee abaarta ayaa waxay ay bilaabeen howlaha gurmadka abaarta iyaga oo qaaday tallaabooyin kala duwan kuwaasi oo kala ah:

  • Howl-galinta guddida farsamo oo ka kooban wasaaraddaha xubnaha ka ah guddida abaarta iyo hay’adda NADFOR oo daraasad ku sameeyey xaaladda abaarta ee dalka ka jirta guud ahaan, kana soo diyaariyay war-bixin dhammaystiran oo la xidhiidha xaaladda abaarta ee dalka.
  • Dayactirka iyo kicinta ceelasha dhaadheer ee biyaha kuwaasi oo ay tiradoodu dhamayd 41 ceel, kuwaasi oo ku yaalay goobaha biyo yaraantu ay ka jirto gaar ahaan gobolada Bari.
  • Waxa biyo-dhaamis ay ka bilaabeen booyadaha dawladdu gobolada Togdheer, Sanaag, Sool iyo Maroodijeex
  • Waxa hay’adda NADFOR diyaarisay kayd-raashin ah oo loogu talo galay dadka abaartu saamaysay.

Aniga oo tix-raacaya warbixinta xaaladda abaarta, waxa aan ku dhawaaqayaa in ay dalka ka jirto xaalad abaareed oo saamaysay dhammaan gobalada dalka sida:  Sool, Sanag, Togdheer, Sahil, howka Marodijex, iyo xeebta Gobolka Awdal.  Qiimeynta lagu  sameeyay waxyeeladda abaartu waxay si toos ah u saamaysay dad gaadhaya 810,000 oo qof oo u baahan kaalmo deg-deg ah sida biyo, cunno iyo caafimaadba,  Waxana sidoo kale la filanayaa in ay saamayn doonto dad ku dhow 1,200,450 qof, afarta bilood ee soo socda.

Haddaba si wax looga qabto xaaladdan, wax ay xukuumaddu qoondaysay kharash dhan $ 3,000,000 Milyan (Saddex Milyan oo Doolar) oo lagu talogay Raashin, biyo-dhaamis iyo kicinta ceelasha xumaaday.

Waxa aan farayaa guddiyada gurmadka abaarta ee heer gobol in ay udiyaar garoobaan wax ka qabadka xaaladda abaareed ee jirta, kaalintooda ay ka qaataan.

Waxa kale oo aan ugu baaqayaa ganacsatadda reer Somaliland, qurbajooga reer Somaliland, hay’addaha caalamiga ah (UN, INGO’s iyo LNGO’s), Dowladaha caalamka iyo saaxiibada Somaliland in ay door ka qaataan gar-gaarka iyo samato-bixinta dadka ay abaartu saamaysay, inta aanay xaaladdu ka sii darin.

Dadka reer Somaliland waxa aan ugu baaqayaa in ay gacmaha is-qabsadaan, is-caawiyaan, dantoodana ka shaqeeyaan, Ilaahayna baryaan in inaga soo furto abaarta, inana garab mariyo xanuunadda iyo musiibooyinka.

Haddaba, laga bilaabo maanta waxaan ku wargalinayaa in cid walba oo doonaysa inay wax ka qabato abaarta dalka ay waajib tahay inay soo marto guddida gurmadka abaarta.

Ugu danbayn waxa aan Ilaahay ka baryayaa in uu abaarta inaga so jebiyo, raxmaadkiisa inoo shubo.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com