Dawlada Soomaaliya Oo Diiday War-bixinta Guddiga IGAD Ee Xiisadda U Kala Dhaxeysa Kenya

Muqdisho(Hayaannews): Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay aad ula yaabtay warbixin la sheegay inay qoreen guddi xaqiiqo raadin ah oo urur goboleedka IGAD u diray xuduudda Soomaaliya iyo Kenya.

Wasiirka warfafainta dawadda Soomaaliya Cusmaan Abuukar Dubbe ayaa saxaafadda ugu sheegay magaalada Muqdisho in warbixintaasi ahay mid hal dhinac ah oo aan dhexdhexaad ahayn. Waxa uu ku eedeeyey guddigu inay hal dhinac aragtidooda soo gudbiyeen.

Wasiirka waxaa uu intaasi ku daray in guddiga xaqiiqo raadintu aysan booqanin dhinaca Soomaaliya ee xuduudda u dhexaysa labada dal.

Wasiirku waxa uu sheegay oo kale in warbixinta ay soo saareen guddigaasi ay dhaawacayso walaaltinnimada Soomaaliya iyo Jabuuti.Waxa uu ugu baaqay guddiga inay ka noqdaan warbixinta, ayna raalligelin ka bixiyaan.

Soomaaliya ayaa la sheegay inay ka dacwootay ku xadgudub hawada Soomaaliya, tan xuduudda ee dhulka, faragelin siyaasadeed oo dhinaca Kenya oo ah arrimaha gudaha dalka, iyo inay ciidamada Kenya iskaga baxeen degaanno ay ku sugnaayeen kadibna ay Al-Shabaab dhibaato u gaysteen rayidka.

Dawladda Kenay ayaa la sheegay inay beenisay eedahan ka yimid dhinaca dawladda Soomaaliya

Guddigan ayaa hawsha loo diray kadib kulankii hoggaamiyayaasha IGAD ee bishii hore ka dhacay dalka Jabuuti. Guddiga ayaa ka kooban lix xubood oo ka socda dalka Jabuuti oo ay ku jiraan safiirro iyo saraakiil ciidan, iyo xubin kale oo ka socda IGAD.

Guddga waxaa lagu magacaabaa Guddiga Xaqiiqo Raadinta iyo Dib u Heshiisiinta Kenya iyo Soomaaliya.Guddigu weli kama aysan jawaabin hadalka kasoo yeeray dawladda Soomaaliya.

Dawladda Kenya ayaa dhinaceeda soo dhowaysay warbixinta guddiga. Kenya waxay sheegtay in warbixinta guddiga ay caddeyn u tahay in eedeymaha Soomaaliya ay ka dhanka ah Kenya ay yihiin “kuwa aan sal laheyn”.

Waxay kale oo intaas ay ku dartay inay caddeyn u tahay in go’aanka ay Soomaaliya xiriirka ugu jartay Kenya uu ahaa mid qiil laheyn oo saameyn taban ku yeeshey Soomaalida gargaarka iyo adeegyada kale u raaadsada Kenya, howlgalka Amisom iyo nolosha shacabka labada dal.