Dawlada Soomaaliya Oo Ka Hadashay Muwaaddiniinta Ukraine Kaga Xanniban Iyo Kuwa Xadka ka Gudbay

Muqdisho (Hayaannews):- Xukuumadda federaalka Soomaaliya, ayaa sheegtay in dalalka Poland, Slovakia, Hungry, Moldova iyo Romania ay u xaqiijiyeen in Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan Ukrain la siin doono marin nabdoon oo ay ka gudbaan, isla markaana loo diyaar garoobay sidii loo qaabbili lahaa qulqulka dadka ka qaxaya Ukraine.

Sida ay Xukuumadda Soomaaliya sheegtay, Safaaradaha Jarmalkq iyo Belgium ee Brussels iyo Berlin, ayaa weli xiriir joogto ah la leh 280 qof oo Soomaali ah oo si nabad ah ku gaaray dalka Poland, kuwa ku sii jeeda Poland iyo kuwa kale oo aan awoodin inay ka gudbaan xuduudaha Medyka-Shehyni iyo Budomierz-Hrushiv.

“Waxaan ku boorineynaa wadamada deriska ah inay u hoggaansamaan sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimada iyo inay siiyaan marin aan xannibnayn dhammaan Afrikaanka ka soo gudbaya xadka Ukraine,” ayaa lagu yidhi bayaan maanta ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya waxa kale oo ay sheegtay in ay  wakiillo rasmi ah u diri doonto Muwaadiniinta Soomaaliyeed si ay uga caawiyaan inay helaan kaadhadhka aqoonsiga ee saxda ah ee caddaynaysa Soomaalinnimadooda, si ay uga gudbaan xuduudaha