Dawlada Soomaaliya Oo Xaqiijisay In Madaxweyne Biixi Uu Abiy Axmed Iyo Farmaajo Ka Diiday Inay Hargeysa Wada Jir U Yimaadaan.

Dawlada Soomaaliya Oo Xaqiijisay In Madaxweyne Biixi Uu Abiy Axmed Iyo Farmaajo Ka Diiday Inay Hargeysa Wada Jir U Yimaadaan

Dawladda Soomaaliya ayaa xaqiijisay warar uu Wargeyska Geeska Afrika hore u baahiyay horaantii bishii March oo ku saabsanaa in Madaxweyne Biixi uu Raysalwasaaraha Itoobiya ka diiday dalab uu ku weydiistay in isagoo wada Madaxweynaha Soomaaliya uu ka soo dego magaalada Hargeysa.

Raysalwasaare-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamuud Guuleed (Khadar) oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland balse aaminsan mabda’a nidaam federal oo dhex mara Somaliland iyo Soomaaliya, ayaa weriye Khaalid Foodhaadhi oo ka tirsan Telefishanka Goob-joog u xaqiijiyay in Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu ka hor istaagay Raysalwasaaraha Itoobiya Abiye Axmed iyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Farmaajo inay wada jir u yimaadaan caasimadda Somaliland ee Hargeysa. “Waxaan kuu sheegayaa in dhawaan ay Somaliland lumisay fursad dahabi ah oo ahayd in ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo madaxweyne Farmaajo ay rabeen in iyagoo wada socda ay ka dagaan Hargeysa, laakiin markii madaxweynaha Soomaaliland iyo maamulkiisa ay wada tashadeen ma aysan suurtoobin, ilaa haddana dhankeenna diyaar baan u nahay inaan mar walba tagno, ha noqoto Farmaajo oo kaligiis ah ama isagoo uu la socdo Abiy”, ayuu yidhi.

Wuxuu Mr. Guuleed kale oo uu sheegay in xidhiidhka Madaxweyne Biixi iyo Madaxweyne Farmaajo uu wanaagsanaa ilaa bishii March ee sannadkii hore ee 2018, waxaanu yidhi “Markii Madaxweyne Farmaajo la doortay kadib waxaa jirtay doorasho ay ku mashquulsanayd Somaliland. Anagu aragtidayadu waxay ahayd in saddexda Xisbi ee Kulmiye, Ucid iyo Waddani kii la doortaba in aanu la shaqayno lana sii anba qaadno wada hadalladii hore u socday, mid aanu gaar u taageersanayn ama aan niyadda ka rabnayna ma jirin, markii danbena waxaa toos u wada xidhiidhi jiray Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Biixi, xidhiidhkooduna wuu wanaagsanaa ilaa laga soo bilaabo bishii Maarso ee sanadkii 2018-kii” ayuu yidhi Mahdi Maxamed Guuleed ku yidhi waraysiga uu la yeeshay weriye Khaalid Foodhaadhi.