Dawlada UK Oo Ka Hadashay Muhiimada Dekadda Berbera

Hargeysa (Hayaannews) Dawladda dalka Uk ayaa sheegtay in horumarka dekedda Berbera uu fursad weyn u yahay shacabka Jamhuuriyadda Somaliland iyo waddamada bariga Afrika. Dawladda Ingiriisku waxa ay sheegtay in ha’yadda cuntada adduunka ee WFP ay adeegsan doonto dekedda Berbera si ay u keento 65% gargaarka cuntada ee Itoobiya. Waxaanay xustay in Berbera ay noqonayso marinka ganacsiga iyo barwaaqada ee Geeska Afrika.

Qoraal lagu qoray bogga Wasaaradda arrimaha debadda ee Ingiriiska ayaa lagu sheegay in Safiirkooda Kate Foster, uu toddobaadkan booqasho shaqo ku timid magaalada Hargeysa, si ay xoogga u saarto iskaashiga UK iyo Somaliland oo ay ku jiraan dhinacyada ganacsiga iyo horumarinta.

Kate Foster oo ka hadlaysay xafladii furitaanka waddada cusub oo isku xidhaysa Kaantaroolka Halleeya iyo Cusbitaalka Shifo ee magaalada Hargeysa ayaa sheegtay, “Waxaan ku hanweynahay in aan taageerno marinka Hargeysa, oo muhiim u ah marinka Berbera. mashruucan 240 km ah oo aan la kaashanayo Abu Dhabi iyo la-hawlgalayaasha Yurub waxa la dhammaystirayaa dabayaaqada sannadka soo socda.

Waddadan waxay hagaajin doontaa nolosha boqollaal kun oo qof iyadoo la abuurayo shaqooyin, lana furayo awoodda dhaqaale ee gobolka iyo in la fududeeyo keenista sahayda bani’aadamnimada”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa dawladda UK uga mahadceliyey dadaalada horumarka ay ka gaysato dalka, waxaanu yidhi “Waxaan jeclaan lahaa inaan u mahadceliyo Boqortooyada Ingiriiska iyo la-hawlgalayaasheeda doorka ay ku leeyihiin maal-gashiga kaabayaasha dhaqaalaha ee Somaliland”