Dawladaha Ethiopia Iyo Ruushka Oo Kala Saxeexday Heshiis Iskaashi.

Ethiopia(Hayaannewws): Dawladaha Itoobiya iyo Ruushka ayaa maanta kala saxeexday heshiis Iskaashi oo Milatari.

Shir muddo saddex  maalmood qaatay oo u dhaxeeyay Itoobiya iyo Ruushka ayaa diirada lagu saaray sidii ay uga wada shaqayn la haayeen dhinaca farsamada milatariga.

Wasiirul dowlaha wasaaradda gaashaandhigga ee Dawlada Ruushka  Martha Lewig oo goob joog ka ahayd gabagabadii kulankan ayaa sheegtay in heshiiska hadda socda uu sii xoojinayo saaxiibtinimada soo jireenka ah ee labada dal.

Wasiiru dowlaha ayaa sheegay in heshiiska labada dal uu ahmiyad weyn u leeyahay dadaallada lagu doonayo in lagu casriyeeyo awoodda ciidanka ee aqoonta, xirfadaha iyo tikniyoolajiyadda.

Shirka waxaa ka soo qayb galay daneeyayaasha ka socda waaxyaha kala duwan ee adeegyada farsamada ee ciidamada qalabka sida ee Ruushka iyo waaxyaha kala duwan ee difaaca Dawlada Itoobiya.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewssoma@gmail.com