Dawladaha Sacuudiga Iyo Imaaraadka Oo Hadallo kulul Is-weydaarsaday

Riyadh(Hayaannews): Sacuudi Carabiya iyo dalka ay xulufada yihiin ee Imaaraadka Carabta ayaa is-weydaarsaday hadallo kulul oo naadir ah oo ku saabsan heshiis la xidhiidha soo-saarka shidaalka ee dalalka ku bahoobay ururka OPEC+.

Imaaraadka Carabta ayaa aad uga soo horjeestay heshiis ay soo jeediyey dalalka soo saara shidaalka ee ku jira OPEC+, kaasi oo sare loogu qaadayo wax soo-saarka.

Khilaafka labadan dal ee Carbeed ayaa sababay is-mari waa helis gelin kara isku day lagu xakameynayo qiimaha shidaalka caalamka ee sare usii kacaya, xilli caalamku kasoo koobanayo COVID-19, ayna jirto baahi badan oo loo qabo shidaalka.

“Waxaa iska soo horjeeda koox dhan iyo hal dal, taasi oo ah arrin murugo leh xaqiiqdii,” waxaa sidaas Taleefishinka Bloomberg u sheegay Wasiirka Tamarta Sacuudiga Amiir Abdulaziz bin Salman, isaga oo soo jeediyey in Imaaraadka Carabta ay kali ku noqdeen OPEC+ oo ay xubno ka yihiin 23 dal.

Wareysi kale oo uu siiyey taleefishinka Al-Arabiya, Amiir Abdulaziz ayaa ugu baaqay Imaaraadka Carabta “inay xikmad iyo tanaasul” sameeyaan kahor kulanka OPEC+ ee maanta.

OPEC+ ayaa soo jeedisay in soo-saarka shidaalka sare loo qaado 400,000 oo barmiil maalinkiiba, laga billaabo August illaa December, taasi oo laba milyan oo barmiil ku dareysa suuqyada caalamka kahor dhammaadka sanadka.

Si kastaba, Imaaraadka Carabta ayaa doonaya kaliye sare u qaadis kooban oo ku eg kaliya bisha August, waxayna dalbadeen heshiis ka wanaagsan midka lasoo bandhigay.

“Imaaraadka Carabta waxay dalbaneysaa caddaalad la xiriirta heshiiska cusub, iyo xuquuqda madax-banaani ee aan u leenahay inaan dalbano waxa ay helayaan dalalka kale,” waxaa sidaas yiri Wasiirka Tamarta Imaaraadka Suhail Mohamed Al-Mazrouei.

Hadallada kulul ay is-weydaarsadeen Imaaraadka iyo Sacuudiga ayaa naadir ka ah Bariga Dhexe, oo ah gobol khilaafyada si hoose looga xaliyo daaha gadaashiisa.

Haddii aanay OPEC heshiis ku gaarin kulanka manata dhacaya, waxaa sare u kici doona qiimaha shidaalka caalamka.

AFP

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

 #Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewssoma@gmail.com