Dawladda Hoose Ee Caasimada Hargeysa Oo La Wareegtay 45 Dugsi

Hargeysa (Hayaannews) Duqa caasimada Hargeysa, mudane Cabdikariim Axmed Mooge, ayaa sheegay in ay la wareegeen 45 dugsi hoose dhexe oo ah kuwa dawlada, isla markaana ay doonayaan in ay adeeg bixintooda waxbarasho noqoto mid fiicaan, isaga oo intaas raaciyay in ay jiraan 41 ka mida xarumaha hooyada iyo dhallaanka oo sidan oo kale ay ula wareegeen.

Sidoo kale waxa uu ka hadlay hawl-galladii ololaha nadaafadda ee ay ka fuliyeen dooxa weyn ee magaalada Hargeysa, waxaanu si gaar ah u xusay ahmiyada ay dooxa siinayaan, isaga oo carrabka ku adkeeyay in aan dooxa Hargeysa aan wax ciid ah laga qaadi karin, sidoo kalena waxa uu tilmaamay in olole waddo bannayn ah ay ka fuliyeen suuqyada waaweyn ee gudaha caasimada.

Duqa caasimada Hargeysa, mudane Cabdikariim Axmed Mooge, waxa kale oo uu faahfaahin ka bixuyay jidad waaweyn oo ay dib u habayn iyo dayactir ba ku sameeyeen. Sidoo kale waxa uu sharraxaad ka bixiyay lo’dii lagu dhaqan jiray gudaha caasimada oo muwaadiniintii lahaa ay ka iibsadeen, isla markaana ay siyeen ciidanka booliska Somaliland, iyada oo ciidankuna lo’daasi ay ku dhaqaan banka Wajaale.

Maayir Mooge ayaa tilmaamay in meelaha bulshadu ku badan tahay ay dhireyn ku sameyn doonaan, dadkana ugu baaqay in guryahooda dhir ku hor beeraan, si caasimaadu u noqoto mid cagaaran oo la jaanqaada magaalooyinka kale ee dunida.

Waxa uu sidan ka sheegay mar uu shalay hor tagay guddida joogtada ee golaha guurtida Somaliland, isaga iyo agaasimaha maaliyada ee dawladda hoose, isaga oo uga warbixiyay dadaalo hor leh oo ay ku dardargelinayaan nadaafada caasimada, isla markaana bilicda magaalada kor loogu qaadayo.isaga iyo agaasimaha maamulka iyo lacagta.

Waxaanu yidhi isaga oo arrimahaasi ka hadlaya. “Waxa aanu maanta gacanta ku haynaa oo aanu la soo wareegnay 45 iskuul, oo hoose dhexe oo aanu doonayno in ay la tartami karaan dugsiyada gaarka loo leeyahay, hadday tahay dhinaca waxbarashadas iyo aqoonta lagu bixiyo iyo deegaan ahaan goob ku habboon waxbarashada in ay tahay.

Waxaan rajjeynaya in aad nala soo eegtaan iskuuladaasi hada sida ay yihiin iyo markii hore sida ay ahaayeen, haddaad eegto degaankiisa, nadaafadiisa, fasalka carruurtu wax ku baranayso iyo waliba kuraastiisa, waxa qorshahayagu yahay boqolkiiba boqol sida xeerku nagu waajibiyay in aanu waxbarashada ula soo wareegno.

Dugsiyada hadda aanu la wareegnay waxa aanu leenahay in aanu dayactirno, in suuliyada aanu u hagaajino, in aanu mushaharka nadiifisooyinka bixino, waardiyayaasha bixino, 45-ka dugsi maamulayaashooda waxa aanu siinaa mushahar”

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeisa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com