Dawladda Itoobiya Oo Isbedel Ku Samaysay Siyaasadeedii Arrimaha Dibadda Iyo Saamaynta Ay Ku Yeelan Karto Somaliland

Hargeysa(Hayaannews)-Dawladda Itoobiya ayaa ku dhawaaqday in la dhammaystiray isbedel lagu sameeyay siyaasadda arrimaha dibadda ee Itoobiya. Sidaas waxa sheegay afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda dalkaas Nebiat Getachew oo saxaafadda kula hadlay Addis Ababa.

Mr. Getachew, wuxuu sheegay in siyaasadda arrimaha dibadda Itoobiya oo la dejiyay 24 sannadood ka hor, imika lagu sameeyay isbedel uu sheegay inuu la jaanqaadayo dunida iyo gobalka Geeska Afrika, waxaanu sheegay in qorshaha siyaasadda arrimaha dibadda Itoobiya ee hadda la dejiyay ay toddobadii bilood ee u dambeeyay diyaarinayeen khubaro isugu jira diblomaasiyiin iyo macalimiin Jaamacadeed, kuwaas oo hadda dhammaystiray. “Siyasadda cusub ee arrimaha dibadda, waxa si rasmi ah loo daah furayaa maalmahan soo socda, waxaana loo diyaariyay iyadoo la tixgeliyay kobaca bulshada Itoobiya oo markii siyaasadaas hore 24 sannadood ka hor la diyaariyay tiradoodu ahayd 60 milyan oo ruux, haddana ah 100 milyan oo ruux, sidoo kalena waxa lagu saleeyay gobalka, qaaraadda iyo adduunyada.”

Afhayeenka oo ka hadlaya saamaynta siyaasadan cusub ee  Itoobiya ee Geeska Afrika, wuxuu sheegay in isbedelo badan oo imika soo kordhay ay sababeen isbedelkan cusub, waxaanu yidhi, “Dhalashadii Koonfurta Suudaan, dhammaynta xaaladii colaadna aan ahayn, nabadna ahayn ee Itoobiya iyo Ereteriya, isbedelka xaaladaha siyaasadeed ee Soomaaliya iyo arrimo kale oo badan ayaa sababay in isbedel lagu sameeyo siyaasadda arrimaha dibadda ee Itoobiya.”

Isbedel cusub ee lagu sameeyay siyaasadda arrimaha dibadda Itoobiya, ayaa waxa la filayaa inuu saamayn ku yeesho Somaliland, iyadoo siyaasadaas hore ee Itoobiya ee khaarajigu ay ahayd halka uu ka dhismay xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya.

Lama oga in xukuumadda Madaxweyne Biixi la socoto isbedelkan cusub ee ay Itoobiya ku samaysay siyaasadeeda arrimaha dibadda oo muddo 7 bilood ah jidka ku soo jiray.