Dawladda Soomaaliya Oo La Sheegay Inay Golaha Ammaanka U Gudbisay Cabasho Ka Dhan Ah Socdaalkii Uu Madaxweyne Biixi Ku Tagay Dalka UAE

Hargeysa(Hayaannews)-Dawladda Soomaaliya ayaa la sheegay inay golaha ammaanka Qaramada Midoobay u gudbisay cabasho ka dhan ah socdaalkii uu Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi dhawaan ku tagay dalka Imaaraadka Carabta.

Warbaahinta busiweek ee laga leeyahay dalka Uganda ayaa baahisay inaanay dawladda Soomaaliya ku faraxsanayn dhaqdhaqaaqyada ay Somaliland waddo ee Imaaraadka Carabta iyo Itoobiya.

Warbaahintani waxay sheegtay in Imaaraadka Carabtu doonayo inuu balaadhiyo wada shaqaynta uu la leeyahay Somaliland. “Laakiin dawladda Soomaaliya kuma faraxsana xidhiidhyada ganacsi ee ay Somaliland samaynayso iyo sidii roogga cas loogu soo dhaweeyay markii uu Madaxweyne Biixi ku tagay socdaalka UAE iyo Itoobiya.”, waxaanu intaas raaciyay in calanka Somaliland la sudhay markii uu Madaxweyne Biixi halkaas booqday.

Warbaahintu waxay intaas raacisay, “Dawladda Soomaaliya waxay Golaha ammaanka Qaramada Midoobay u qortay cabasho ka dhan ah dhaqdhaqaaqyada Somaliland.”

Warbaahintani ma cadayn nooca ay tahay dacwadda ay Soomaaliya u gudbisay golaha ammaanka Qaramada Midobay, mana ay soo bandhigin wax tixraac ah oo ku saabsan cabashadan Soomaaliya, laakiin wakiilka Somaliland ee Kenya Baashe Cawil, ayaa sheegay inay dawladda Somaliland ka xuntahay cabashada ay dawladda Soomaaliya u gudbisay golaha ammaanka ee la xidhiidha socadlakii uu dhawaan Madaxweynaha Somaliland ku tagay dalka Imaaraadka Carabta, “Somaliland ahaan waxaanu cadaynaynaa sida aanu uga xunahay cabashada ay dhawaan Dawladda Soomaaliay u gudbisay golaha ammaanka ee ku saabsan socdaalkii guusha ahaa ee uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ku tagay dalka UAE.”

Wuxuu Mr. Baashe sheegtay in Somaliland leedahay xuduudo caalami ah oo la yaqaano iyo dawlad dimuqraadi ah oo la doortay, waxaanu intaas raaciyay inuu rajaynayo in Somaliland iyo Soomaaliya iska kaashadaan arrimaha ammaanka iyo ganacsiga, laakiin aanay suurtogal ahayn midnimo dambe.