Dawladda Taiwan, Oo Ka Caawinaysa Wakaaladda Biyaha HargeIsa Mashruuc Lagu Qodayo 3 Ceel Biyood.

 Hargeysa(Hayaannews): Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Maxamed Cali Daarood, oo ka hadlay heshiiskan Taiwan iyo Wakaaladda Biyaha ee Hargeysa, kala saxeexdeen.

Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Maxamed Cali Daarood, oo ka hadlayay heshiiska laba geesoodka ah ay kala saxeexdeen Dawlada Taiwan, waxaanu yidhi  “Waxa aanu maanta heshiis mashruuc biyood ku kala saxeexanay xafiiska Taiwan ee Somaliland Hay’adda Step30 ee reer Taiwan, heshiiskan oo qorshihiisu yahay in Wakaaladda ay ka caawiso 3 ceel, ayaa wajiga hore ku bilaabmi doona, hal ceel iyo nidaamkiisa oo dhamaystiran. Waxa aan u mahadnaqayaa Wakiilka Xafiiska Dawladda Taiwan ee Somaliland Amb.Allen Chenhwal Lou, oo qayb ka ahaa heshiiskan dhinaca Dawladda Taiwan, door muuqdana ku leh xoojinta xidhiidhka labada dal iyo Wasiirka Qorsheynta iyo Horumarinta Qaranka, Cumer Cali Cabdilaahi, oo isna qayb ka ahaa saxeexa heshiiskan.”

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

#Mustafe_Janaale(#MJ)

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com