Dawladdaha Caalamka Oo Shuruud Ku Xidhay Bixinta Dhaqaalaha Ku Baxaya Doorashada Soomaaliya.

Hargeysa(Hayaannews): Dawladdaha Caalamka Soomaaliya Ka Taageera, Oo Shuruud Ku Xidhay Inay Bixiyaan Lacagaha Ku baxaya Qabashada Doorashooyinka.

Safaaradaha Mareykanka, Ingiriiska iyo Norway, ayaa sheegay in ay soo daynayaan dhaqaalaha u horreeya marka ay arkaan saansaan doorasho, oo qabsoomaysa.

Sidoo kale qeybta labaad ee dhaqaalaha ay bixin doonaan markii saddex meelood labo meel laga qabto doorashada dhammaan goobaha ay ka dhaceyso doorashada.

Dowladaha Mareykanka, Ingiriiska iyo Norway ayaa sheegay inay bixinayaan lacagta dheeriga ah 3.7 milyan dollar oo ay dalbadeen Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Guddiga doorashada heer Federaal

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Mustafe_Janaale(#MJ)

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com