Dembiyada Somaliland ka Dhacay Sannadka 2020-ka oo Boolisku Soo Bandhigay


Hargeysa(Hayaannews):- Ciidanka Booliska Somaliland, ayaa shalay oo ay ku beegnayd 27-guurada ka soo wareetay markii la aasaasay 3-dii November 1993-kii, waxay soo bandhigeen tirada dembiyada ka dhacay dalka sannadkan aynu ku jirno, kuwaas oo isugu jira, dilal, dhaawacyo, Kufsi, Ubadka la tuuray, Khasaaraha ka dhashay Shilal Gaadiidka, Korontada iyo Muqadaraadka la qabtay.

Ku-xigeenka hoggaanka hawl-gelinta ciidanka Booliska Gaashaanle dhexe Cabdicasiis Sheekh Ismaaciil Sheekh Xasan, ayaa ugu horrayn shacabka la wadaagay dembiyadii kala duwanaa ee dalka ka dhacay sannadkii ugu dambeeyey iyo sida ay ciidanka Boolisku ula tacaaleen, isaga oo hoosta ka xarriiqay inay ciidanka Boolisku gacanta ku dhigeen eedaysanayaashii ugu badnaa ee loo tirinayey inay ku lug lahaayeen dambiyadaas dalka ka dhacay oo ay dilalka dadka iyo kufsigu safka hore kaga jiraan.

Muuqaalkan hoose ka daawo:-