“Dhaawac Ayaa Ina Soo Gaadhaya Haddii Doorashadu Mar Dambe Dib U Dhacdo”

Hargeysa (Hayaannews)-Cumar Sheekh Maxamed Faarax (Cumar Yare), oo Xukuumaddii hore ee Axmed Siillaanyo xilal Wasiirnimo ka soo qabtay, ayaa ka hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan khilaafka u dhexeeya Xisbiyada, Shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye ee Boorama lagu qabanayo iyo daynta 80-milyan ah ee la sheegay in Xukuumaddii hore ka tagtay.

Cumar Sheekh Maxamed Faarax (Cumar Yare), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrikaayaa ugu horeyn isagoo ka hadlya Doorashada iyo khilaafka Xisbiyada ayaa yidhi “Wadanku geedi socod buu leeyahay, dadka meesha gaaban wax ka aragta ayey u muuqata kan la ficiltan iyo kan la ficiltan, laakiin xuquuqda iyo himilada wadanka ka maqan carqalad bay ku tahay joojinta la joojinayo Doorashada, qaran ahaana wax weyn baa inagaga xidhan, ee geedi socodkeena iyo dimuqraadiyadeena dhaawac weyn baa soo gaadhay haddii ay Doorashadu mar dambe dib inooga dhacdo, 160 iyo dheeraad baa iska soo sharaxaya, oo xuquuqdoodii lagu ciyaaraya, Doorashaduna waxay ka mid tahay xuquuqada uu qofku leeyahay, ee ninka leh Komishanka ha la kala diro, oo Komishankani Doorasho noo qaban maayo, si toos ah ha u caddeeyo wuxuu ku diidan yahay, wax alaale wax lagu diidan yahay Komishankan oo caddi ma jirto, ee  Doorashada iyo geedi socodka Dimuqraadiyada ficilka ha laga daayo,oo wixii cadaalada daro ah ee laga sheeganayo Komishanka haddii ay jiraan si toos ah ha loo bandhigo, oo qodob qodob ha loo sheego, oo ha la yidhaahdo waxaas iyo waxaad ayaanan ku ogolaanaynin, ee malaa meel kale ayaa loo riman yahay, ee si ay Doorashadu inoogu qabsoonto wakhtigeeda ficilka ha la joojiyo”

Mar uu ka hadlaayey daynta 80-milyan ee la sheegay in Xukuumaddii hore ka tagtay ayaa yidhi “Caalamka daynta waa la iskaga taga, wixii dayn ah ee la wareejiyeyna waa mid la caddeeyo, laakiin in dayn Xukuumaddu hore wareejisay maaha wax cad, daynta la wareejiyaa wax la qariyo maaha, wax lagu murmo, marka laba Xukuumaddood xilka isku wareejinayaana ayaa wixii dayn ah la isku wareejiyaa, mar haddii aad la wareegtana waad la wareegtay, laakiin waraaqo suuqyada lala yaacayo, oo la leeyahay anigana intan oo dayn ah ayaa iga maqan oo aan xil wareejinta ku jirin, markhaari noqon mayso, sharcina noqon mayso, ee dadka Xukuumaddii hore ka sheeganaya daynta, ciddi ka qaadatay daynta wey garanayaan ee ha la xisaabtamaan”

Mar uu ka hadlaayey Shirka Golaha Dhexe ee Boorama lagu qabanayo ayaa yidhi “Xisbiga Kulmiye waa Xisbi la wada leeyahay, aniguna waxaan jeclaanba in Shirka marka hore lagu qabto Laascanood, oo haddana Ceerigaabo lagu soo xigsiiyo, laakiin meesha lagu qabtaaba waa meeshii kale, intii la odhan lahaa Beesha Dhexe ayaa isku koobtay wey fiican tahay in Boorama lagu qabto, sannadka dambena waa in lagu qabtaa Laascanood ama Ceerigaabo, waana muhiim in umaddu wada dareento in Xisbiyada la wada leeyahay”