“Dhalinyaradda Wax Akhriska Diinta , Culuunta kale, Dhaqanka iyo Suugaantaba Waan ku Dhiirigelinayaa”. Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen.

Hargeysa(Hayaannews): “Gudoomiyaha Baanka Dhexe mudane Cali Ibraahim Baqdaadi iyo anigu waxaanu ka qayb galnay daahfurka buugga Abwaanka weyn ee Xasan Qawdhan Ilaahay naxariistii jannaddii ha ka waraabiyee Oo xalay lagu soo bandhigay magaaladda Hargeysa. Kolay aniga iyo intiina badan ee buugga aragtayba Waxaa la yaab idinku noqday in heesahii aynu maqli jirnay uu halabuury Abwaan Xasan Qawdhan. Heesaha aan xalay ogaaday inuu lahaa Oo tiro badnaa Waxaa ka mid ahaa:

  1. Riyaddii Xalay Baan rumeystoo – Maxamed Saleebaan Tubeec IHUN
  2. Dhool Bari Ka Muuqdaa – Maxamed Axmed Kuluc IHUN
  3. Ifka waxaad la joogtaa – Maxamed Mooge Liibaan
  4. Gododle Waa Gediisiiye – Hibo Maxamed iyo Magool IHUN
  5. Maxaa Sheekadeenii intaad shirisay dumarkii – Axmed Cali Cigaal
  6. Midaamo Dhego Ma leh: Axmed Mooge Liibaan IHUN
  7. Sida Haro Gingimanoo – Axmed Cali Cigaal iyo Shankaroon Axmed Sagal
  8. Anigiyo ciyogiyo – Maryan Mursal
  9. Jaaheeda Nuurkaa – Muuse Ismaaciil Qalinle

Intaa iyo in ka badan ayaan xalay ogaaday inuu Abwaankani lahaa. Isaga iyo heesahiisa iyo suugaantiisa isumaan aqoon ee midna gaar baan u aqaanay. Ilaahay haw naxariistee Wuxuu shakhsi si caadiya u shaqaysta Oo aan hobaladda ka mid ahayn hadana waxaasoo suugaan ah ka tegay. Hambalyaddu waa dhamaan dadkii hawshaa wax ku lahaa Oo Ugu horeeyo qoraaga Axmed Karaama, shirkadda daabacday iyo qoyska abwaa ku ka tegay.  Fanaaniintii A da ee hoboladda Waaberi iyo kuwii Dhexeba suugaantiisu way gaadhay. Dadka kale ee suugaantiisa qaadi jirtay Waxaa ka mid ahaa Maandeeq, Kinsi Xaaji Aadan iyo Cabdulqaadir Axmed Nageeye iyo fanaan kii weynaa Axmed Muxumed Good Shimbir. Intii dhimatay Ilaahay haw naxariisto. Habeen wanaagsan Oo kaftan iyo suugaan la wada qaybsaday ayeey ahayd. Dhalinyaradda wax akhriska diinta , culuunta kale, dhaqanka iyo suugaantabs Waan ku dhiirigelinayaa. Wax akhristaha fiicani Wuxuu noqdaa Qoraa fiican. Wa bilaahi Tawfiiq.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com