“Dhalinyaradii Somaliland Waxaa Looga Gacan Haadinayaa Soomaaliya…” Boobe Yuusuf Ducaale
February 20, 2019 - Written by editor editor
Hargeysa (Hayaannews)- Qoraa Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale
“Boobe” ayaa ka hadley xuska sanad guurada 37aad ee ka soo wareegtay maalintii
dhagax tuurka dhalinyarada UFFO 20 February 1982-kii oo maanta ku beegnayd.
Sidoo Kale waxa Boobe Yuusuf Ducaale,ka hadley xaalada
dhalinyarada Somaliland ay ku jiraan wakhtigan, Isagoo tilmaamay in qaarkood ay
dawlada iskeed isku maamuli kari wayday ee Soomaaliya ay u gacan haadinayso.