Dhamaystirka iyo Ballaadhinta Dekedda Berbera Oo Lagu Tilmaamay Istaraatiijiyadda Aqoonsiga Somaliland


“Somaliland waxay muhiimad gaar ah u leedahay difaac kasta oo lagu ilaalinayo Baabul-mandab iyo Badda Cas…” Busiweek

Berbera (Hayaannews) – Dekedda Berbera ayaa ku socota inay tartan la gasho Dekedaha dalka Jabuuti, marka bisha January ee sannadka 2021 la dhamaystiro ballaadhinta lagu samaynayo Dekeddaasi oo hadda gebogebo ku dhow.

Shirkadda DP WORLD ayaa Dekedda Berbera wejiga koowaad ku Maalgelisay $120 Million, waxaana lagu kordhiyey Dekedda 400 Meter oo loogu talo-galay inay ka soo degaan Koontiinarradu, taasi oo marka la dhamaystiro la tartami doonta Jabuuti, noqonna doonta marso muhiimad weyn u leh Geeska Afrika, iyadoo soo ceshan doonta taariikhda faca-weyn ee ay leedahay.

Sidaasina waxa qoray Wargeyska ka faallooda arrimaha ganacsiga ee Businessweek, warbixintaasi oo uu ku iftiimiyey ifafaalaha wanaagsan iyo istaraatiijiyada dhaqaale ee ku lammaan ballaadhinta iyo casriyeynta Dekedda Berbera.

Shirkadda DP World, ayaa sheegtay in Dekedda Berbera u taagan tahay marin Ganacsi oo waraabinaya Geeska Afrika, waxaana ballaadhinta lagu sameeyay ka dhigan tahay Albaab cusub oo bariga Afrika u furmay iyo horumar dhaqaale oo ay gaadhay Jamhuuriyadda Somaliland.

Warbixintan oo uu tobaadan daabacay wargeyska Bussweek, kaas oo Wargeyska Dawan-na uu soo turjumay, ayaa lagu sheegay in dhamaystirka Dekedda Berbera iyo dhismaha waddada u dhaxaysa Berbera iyo Wajaale, taasi oo uu ku baxay dhaqaalaha ay bixiyeen Dawladaha Imaaraadka iyo Boqortooyada Ingiriiska 30% ay hoos u dhigi doonaan Alaabooyinka Itoobiya kala soo degto Dekedda Jabuuti, sida uu dhigayo heshiis ay Itoobiya iyo Somaliland wada gaadheen 2016, agabkaasi oo dabcan Somaliland Dekedda Berbera uga daabulayso Itoobiya.

Sidoo kale, dawladda Maraykanka ayaa isha ku haysa oo kormeeraysa kaabayaasha horumarineed ee Dekedda iyo magaalada Berbera, iyadoo door-bidaysa Saldhig Milletari, maaddaama oo laga cabsi qabo awoodda ciidan ee sii kordhaysa ee uu Shiinuhu ku leeyahay Jabuuti, taas ayaana Somaliland ka dhigaysa aktarka siyaasadda ee Gobolka ee ay Maraykanka iyo xullafadiisu ay ku bedelan karaan Jabuutida isu-rahantay Shiinaha oo qarka u saaran in uu 71% la wareeggo illaha dhaqaale ee dalkaasi, sabab la xidhiidha deynta uu ku leeyahay.

“Muhiimadda istiraatiijiyadeed ee Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed waxaa qirey labada quwadood ee gobolka iyo quwadaha adduunka.Iyada oo xeebteedu tahay 460-mayl oo ah Gacanka Cadmeed, Somaliland waxay muhiimad gaar ah u leedahay difaac kasta oo lagu ilaalinayo Bab el-Mandab iyo Badda Cas, iyo sidoo kale la-dagaallanka Budhcad-baddeeda, la-dagaallanka argagixisada, la-dagaalanka hubka sharci-darrada ah” ayaa lagu yidhi warbixinta Busweek.

Sidoo kale warbixinta waxa lagu soo qaaday dhismaha Saldhigga Milateri ee ka socda Berbera, kaas oo isaguna leh ahmiyaddiisa istaraatiijiyadeed, isla markaana uu xilligii dagaalkii qaboobaa uu Maraykanku u isticmaalay xarun Saad iyo saldhig uu ka maamulo gurmadka deg deg ah.

Wargeysku waxa uu tilmaamay in taariikhda Berbera ee xudunta u ah ganacsiga qaaraduhu dib-u-soo-noolaynayso sidii ay ahayd qarniyadii hore, waxaana taasi badhi-taaray Heshiiska Maal-gelineed ee ay wada galeen Jamhuuriyada Somaliland iyo Shirkadda DPWORLD Sanadkii 2016, maal-gelintaas oo ah in Dekedda iyo Aaga dhaqaale ee xorta ah (Free Zone Trade) lagu horumariyo maalgelin dhan 442 milyan oo doollar.

Dekedda Berbera hadda waxa ka soo degga tiro sii kordhaysa oo ah baddeecado kala duwan oo laga soo dhoofiyo dalal uu ugu horeeyo Imaaraadka Carabtu, kuwaasoo isugu jira Shidaalka, Gawaadhida, Qalabka dhismaha, Dharka, Qalabka Elektarooniga, Sokorta, Bariiska, Qamadiga iyo cunnooyinka kale, oo uu kamid tahay raashinka Mucaawimada ah ee ay Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP ku quudiso qaybo kamida dalalka Gobolka.

Geesta kale, sida warbixinta lagu xusay Dekedda Berbera waxa sanad walba ka dhoofa xoollo lagu qiyaasay saddex Milyan oo neef oo loo dhoofiyo Jasiiraddaha Carabta.

Tan iyo markii Djibouti Saldhiga Milateri siisay Shiinaha, Maraykanka oo halkaasi ku lahaa Saldhiga ugu weyn ee uu gobolka ku leeyahay, waxa uu ku dhaqaaqay qorshe uu ku sahansanayo meel kale oo Istaraatiijiya, taasoo ah mid uu ku xoojinayo saameyntiisa Mandaqada, waxaana warsidaha Bussweek, sheegay in xidhiidhka cusub ee Somaliland iyo Taiwan uu u muuqdo tallaabo lagaga biyo-dhiijinayo damaca Maraykanka kaga jira in uu xeebaha Somaliland u soo raro Saldhigga uu ku leeyahay duleedka magaalada Djibouti, iyadoo qorshaha labaadna uu noqon karo inuu Qormo cusub oo labaad ka samaysto, taasina waa sababta Washington u qiimaynayso balaadhinta Dekedda Berbera.

Maraykanka ayaa si dhakhso ah u soo dhaweeyey xidhiidhka cusub ee ay Somaliland iyo Taiwan ku dhawaaqeen bilihii la soo dhaafay, halka Shiinuhu uu cambaareeyey, si weyna walaac uga muujiyey.

“Waa wax weyn inaan arko Taiwan oo xoojineysa ka qeyb qaadashadeeda Bariga Afrika xilli baahi weyn loo qabay. Taiwan waa saaxiibkeena weyn ee caafimaadka, waxbarashada, iyo kaalmada farsamada. ” ayaa lagu yidhi qoraal lagu baahiyey barta Twitter-ka ee Golaha Amniga Qaranka Mareykanka (NSC) bishii Julaay 09 ka dib markii Taiwan ay ku dhawaaqday xidhiidhka diblomaasiyadeed ee ay wadaageen Jamhuuriyada Somaliland.

Si kastaba ha ahaatee, Xidhiidhka Taiwan iyo Somaliland oo tan iyo bilowgii shaacinta labada dhinac sii xooggaysanaya, ayaa waxa la saadaalinayaa in uu muhiimadda ugu weyn saaro iskaashiga Dhaqaalaha iyo nabad-gelyada, taasoo soo jiidan doonta maal-gashadeyaal kale oo madax-banaan iyo in ay quwadaha waaweyn oo uu Maraykanku ka mid yahay ku soo dhiirradaan in ay si toosa ula macaamilaan Jamhuuriyada Somaliland.

Mustafe-Janaale

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

Email: Hayaannewssoma@gmail.com