“Diinteyda Darteed Ayaan Uga Baxay Fashion-ka” Xaliima Aadan Oo Caan ka Noqotay Maraykanka.

Minnesota (Hayaannews): Xaliima Aadan oo ku caan baxday xayeysiinta dharka iyo waxyaabaha kale, ayaa shaacisay inay ka hadhay tartannada fashion-ka, maadaama uu meel ka dhac ku yahay Diinta Islaamka.

Gabadhan ka dhooftay xerada qaxoontiga ee Kakuma, haatanna ku nool Maraykanka, ayaa farriimo ay soo dhigtay baraheeda Twitter iyo Instagram waxay ku sheegtay “inay nafteeda ku dhaliileyso xoogga ay saartay fursadda ay ka heshay fashion-ka, oo ay hilmaamtay waxa uu u horseedi karo,”

Xaliima oo kamid ah gabdhaha ugu horreeyay ee fashion-kooda ku soo bandhiga xijaab ayaa sheegtay in ku tagtay waddo lunsan, mararka qaarna aanay salaadda tukan jirin.

Farriin kale oo ay soo dhigtay ayaa waxay kaga hadashay inay garab la’aan ku heshay mihnaddaas, isla markaana aan fahan wanaagsan laga qabin dumarka xijaaban iyo dowrka ay ka qaadan karaan fashion-ka.

Xaliima ayaa sheegtay in hooyadeed ayay marar baddan ka codsatay inay ka hadho mihnaddaas, waxaana ay tilmaantay in “ugu dambeyn ay ku guuleysatay”.

“Hooyaday waxa ay sabab u tahay guulaha iyo farxadaha aan gaaray. Yoolkeyga cusub ayaa ah inaan farxaddeeda ka shaqeeyo,” ayay barteeda Twitter ku qortay.

Gabadh Soomaali ah oo taariikh cusub ka samaysay Maraykanka.Xaliima ayaa sheegtay in aanay Diinteeda u dayici doonin fashion-ka.

Wareysi ay BBC Somali siisay dabayaaqadii 2019 xilligaas oo ay booqasho ku joogtay Kakuma ayaa waxay kaga hadashay sida ay isugu dheellitirto shaqadeeda xayeysiinta iyo Diinteeda Islaamka.

“Ma jirto haweeney lagu qasbi karo inay xijaab xidhato mana jirto haweeney lagu qasbi karo inay iska dhigto xijaabka”, ayey tidhi.

Xaliima ayaa indhaha caalamka soo jiidatay markii ay noqotay haweeneydii ugu horreysay ee iyadoo xijaaban kasoo muuqatay majalladda Vogue.

Tartanka Quruxda

Xaliima waxay noqotay gabadhii ugu horreysay ee iyadoo xijaab xidhan ka qeyb gashay tartanka gabadha ugu quruxda badan gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.

Tartankaas kuma guuleysanin inay noqoto boqoradda quruxda, laakiin intii uu socday waxay baratay labiska lagu dabaasho, oo jirka oo dhan asturaya, una sahlaya inay dabaalato iyadoo aan qaawaneyn.

“Waxaan rabay inaan soo laabto oo aan gabdhaha kale u sheego inay dabaal aadi karaan iyagoo dharkaas xidhanaya, si ay ciyaaraha uga qeyb qaataan”, ayey tidhi.

Xilligaas waxyar kadib waxay qandaraas la saxeexatay mid ka mid ah shirkadaha ugu waaweyn dhinaca xayeysiinta, oo lagu magacaabo IMG models.

BBCSomali

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

Email: Hayaannewssoma@gmail.com