Diyaarada Hercules-130 ee Ciidamada Cirka Dawlada Maraykanka Oo Soo Cagodhigatay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Berbera.

Berbera(Hayaannews): Diyaarada Hercules-130 oo ay leeyihiin Ciidamada Cirka Maraykanka, looguna talo galay abaabulka iyo qaadidda ciidamada ayaa waxa ay ka soo duushay magaalada Djibouti, waxana ay soo cagadhigatay Garoonka Caalamiga ah ee Berbera subaxnimadii shalay February 22.
Hercules C- 130 oo numberkeeda uu yahay 17-0038 ayaa ciidamo Maraykan ah ka soo daabushay Camp Lemonnier, oo ah saldhiga ciidamada militariga Maraykanka ay ku leeyihiin magaalada Djibouti ee Jamhuuriyada Djibouti.
25 bishan February ayaa Ciidamada Maraykanka iyo Ciidamada Somaliland ayaa dhoolatus military ku samayn doona dekada caalamiga ah ee Berbera.