Doorashadii Dalka Ethiopia Oo La Shaaciyay Iyo Xisbiga EPP Oo Ku Guuleystay

Ethiopia(Hayaannews): Guddiga doorashooyinka qaranka ee dalka Itoobiya ayaa goor dhaweyd shaaciyey natiijada doorahada 21-ka bishii June ka dhacday dalka Itoobiya.

Waxaanay guddigu sheegay xisbiga talada dalkaasi haya ee EPP 436 kursi oo kuraasta baarlamaanka oo la shaaciyey, 410 ka mid ah uu ku guuleystay.

Ku dhawaad 100 deegaan doorasho ayaanay doorasho ka dhicin, sababa la xidhiidha amni darro iyo arrimo kale.

Deegaanka Tigraay oo ay dagaallada ka socdaan wuxuu ka mid yahay deegaannada ay doorashadaasi ka dhicin. Halka deegaannada Soomaalida iyo Hararidana doorashadooda dib loo dhigay loona muddeeyey 6-da bisha September 2021.

Xisbiga Ra’iisal wasaare Abiy Axmed ayaa u baahnaa 174 kursi oo keli ah si uu doorashada ugu guuleysto.

Doorashada guud ee bishii hore dalka Itoobiya ka dhacday waxaa hareeyey dagaalka siddeedda bilood ka socday deeganka Tigraay, halka deeganka Oromadana laga soo sheegay xadgudubyo baahsan iney ka dhaceen, labo ka mid ah xisbiyada mucaaradka kuwooda ugu waaweyna ay doorashadaasi qaadaceen.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewssoma@gmail.com