Dowlada Ingiriiska Oo Cambaaraysey Xukun Dil Ah Oo Xukuumadda Somaliland Ku fulisay 4 qof

 Hargeisa(Hayaannews): Wakiilka dowlada Ingiriiska  u joogta Somaliland Lizzie Walker, ayaa walaac ka muujisay, xukun dil ah oo xukuumada Somaliland ku fulisay, 4 askari oo hore u dilay askar kale.

Walker ayaa sheegtay in dowladeedu aad uga soo horjeedo “xukunka dilka ah”, waxayna ku andacootay in ciqaabta dilka ahi, ay meel ka dhac ku tahay sharafta qofka binu’aadamka ah.

“Waxa aad noo walaac geliyay qisaasta saaka laga fuliyay Somaliland, halka ay UK ka taagan tahay si fiican ayaa loo yaqaana: Waanu ka soo horjeednaa qisaasta oo dhan wakhti kasta iyo duruufkasta, ciqaabta dilku waa mid aan ku haboonayn sharafta aadamaha.  Waxba kama tarto ka hortaga dembiyada” ayay tidhi Walker.

Dowlada Ingiriiska iyo dowladaha kale ee reer Yurub, ayaa badanaa ka qayliya mar kasta oo Somaliland dil ku fuliso qof qof dilay, taa badalkeeda uma badna in ay ka hadlaan xukunada dilka ah ee ay dowlada Soomaaliya  fuliso.