Dowladda Canada Oo Mastaafurineysa Boqolaal Dhallinyaro Soomaali Ah

Ottawa(Hayaannews): Dowladda Canada ayaa la sheegayaa inay qorsheyneyso inay mastaafurinayso dhallinyaro Soomaali ah oo dalkaasi ku tagay siyaabo kala duwan.

Saraakiisha dowladda Canada ayaa ku doodaya in dhallinyaraasi ay yihiin Kenyan, maadaama ay ku galeen dalkaasi baasaboor Kenyan ah.

Keyf Cali waxey ka mid tahay guddi ay sameysteen dhallinyaradaasi qaarkood, weriyaha VOA-da ee Canada Xuseen Nuur Xaaji ayey u xaqiijisay inay ka mid tahay dhallinyarada la qorsheynayo in laga mastaafuriyo Canada, balse waxey ka cudurdaaratay in xilligan ay wareysi bixiso.

Laakiin Keyf, waxey warbaahinta CBC ee Canada u sheegtay in kadib markii la dhibaateeyay qoyskeeda ay kasoo carartay Soomaaliya iyadoo Canada ku gashay baasaboor Kenyan ah.

Lama oga tirada rasmiga ah ee dowladda Canada ay qorsheyneyso inay musaafuriso.

Wakaaladda xudduudaha Canada waxey sheegtay inay gaarayaan 157 qof, balse dadka u doodaya dhallinyaradan ayaa rumeysan inay gaarayaan boqollaal qof.