“Dowladda Finland Wax Dhaqaale ah Oo Ay Ka Jartey Somaliland Haba Yaraatee Ma jirto” Wasiirka Arrimaha dibada Finland Pekka Haavisto

Wasiirka Arrimaha dibada ee Finland Pekka Haavisto

Wasiir Pekka Haavisto waxa uu sheegay in Dowladda Finland ay soo dhoweynayso haddii Dowladda Somaliland ka codsato iney xafiis rasmi ah ka furato dalka.

Finland(Hayaannews): Wasiirka Arrimaha dibada ee Finland Pekka Haavisto ayaa sheegtey in aaney jarin dhaqaalihii ay siin jirteen Somaliland oo ka shaqeynayaan sidii ay uga heli lahayd qaybteeda deeqaha iyo lacagaha ay ku bixinayso magaca Geeska Africa.

Wasiirka Khaarajiga Finland Pekka ayaa kulan la yeeshay Wakiilka Somaliland ee dalka Finland Samia Muuse, kaas oo ay isaga xog-wareysteen xogo ku saabsan arrimaha ka taagan Mandaqada Gees-ka Africa iyo Mowqifka Dowladda Finland ee ku waajahan Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu caddeeyey iney mar kasta tix-gelinayso jiritaanka Somaliland iyada oo aan weli helin ictiraaf caalami ah.

“Maadama aanu la leenahay xidhiidh qoto dheer oo soo jireen ah Somaliland” ayuu yidhi Wasiirku.isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu raaciyey “Dowladda Finland markasta waa dhex dhexaad oo waxay ku dedaalaysa hirgelinta nabadgelyada iyo Xasiloonida Geeska Africa”

Ugu dambeyn, Wasiirku waxa uu sheegay in Dowladda Finland ay soo dhoweynayso haddii Dowladda Somaliland ka codsato iney xafiis rasmi ah ka furato dalka Finland,isaga oo xusey in ay joogaan hay’ado Samafal iyo ururo Finnish ah oo ka fuliya mashaariic kala duwan Somaliland, kuwaas oo ayuu yidhi; ” Wasaarada Arrimaha dibada Finland ku bixiso deeqo lacageed oo faro badan”.

Wakiilka Somaliland ee dalka Finland Samia Muuse oo ah xubin aad u firfircoon ayaa marka la eego dedaalkeeda  waxqabad waxay tusaale fiican u noqon karta Dublamaasiyiinta kale  Somaliland, maadama ay ugu adeegayso qarankeeda si ay ku dheehan tahay daacadnimo iyo  hufnaan. Kulankaasina waxa uu ku dhamaaday is-afgarad.

Wasiirka Arrimaha dibada ee Finland Pekka Haavisto
Wakiilka Somaliland ee Finland Samia Muuse iyo Wasiirka Arrimaha dibada ee Finland Pekka Haavisto

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

#Musafe-Janaale

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com