Dowladda Ingiriiska Oo War ka Soo Saartay ictiraafka Somaliland.

 UK waxay sheegtay inay ku faraxsan tahay xidhiidhka taariikhiga ah ee ay Somaliland la leedahay, iyo in Somaliland tahay meel guulaysatay oo si fiican loo maamulay.

Wasiirka dowlada Ingiriiska u qaabilsan arrimaha Afrika xildhibaan Vicky Ford, ayaa sheegtay in dowladeeda aanay u qorshaysnayn in ay Somaliland aqoonsi siiso, isla markaana arrinta aqoonsiga Somaliland ay u taalo Somaliland iyo Soomaaliya iyo waddamada jaarka la ah.

Wasiir Vicky oo u jawaabaysa warqad uu xildhibaan  Danny Kruger u diray 17 September, oo uu wax kaga waydiiyay aqoonsiga Somaliland, ayaa sheegtay in UK beesha caalamka kala midtahay in Somaliland iyo Soomaaliya loo daayo in ay go’aan ka gaadhaan mustaqbalkooda.

“Sidad ogtahay UK waxay kala simantahay beesha caalamka in anay Somaliland u aqoonsanin qaran madax-bannaan, siyaasadayadu waxay ku qotontaa in Somaliland iyo Somalia ay go’aan ka gaadhaan mustaqbalkooda, iyo in waddama jaarka la ihi, ay arrintaa hogaankeeda yeeshaan, waanu joogtaynaynaa taageeradayada wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya” ayay tidhi wasiir Vicky.

Vicky ayaa sheegtay intaa badalkeeda Ingiriisku uu joogtaynayo xidhiidhka diblumaasiyadeed ee uu Somaliland la leeyahay, iyo taageerada uu siiyo.

“Si kastaba ha ahaatee, UK waxay joogtaynaysa joogitaankeeda ma guuraan ka ah ee dibulumaasiyeed ee Hargaysa, taageerada UK na waa muhiim, waxaana kamid ah, taagerada kaabayaasha dhaqaalaha, waddo ganacsiyeedka wayn ee Geeska Afrika ee isku xidha Berbera iyo Ethiopia, taageerada la dagaalanka argagixisada, tababarka booliska iyo ciidanka badda iyo caddaaladda” ayay tidhi wasiir Vicky.

UK waxay sheegtay in ku faraxsan tahay xidhiidhka taariikhiga ah ee ay Somaliland la leedahay, iyo in Somaliland tahay meel guuleysatay oo si fiican loo maamulay.

“UK waxay ku raaxaysatay xidhiidh ka diiran ee taariikhiga ah ee ay Somaliland la leedahay, waxaana ka go’an taageerida barwaaqo la wadaago iyo amaan ay la yeelato dadka ku dhaqan deegaanada Soomaalida, UK aad bay u xiisaynaynaa in Somaliland ay tahay qayb guulaysatay isla markaana, sifiican loo maamulay oo Soomaaliya ka mid ah” ayay tidhi wasiir Vicky.

Waxay hadalkeeda ku soo gebo gabeysay in Somaliland ay sidaa kula shaqaynayaan, ilaa oo Somaliland iyo Soomaaliya ay mustaqbal kooda heshiis ka gaadhaan.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

#Mustafe_Janaale(#MJ)

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com