Dowladda Mareykanka Oo Soo Dhaweeysay Xukun Lagu Riday Dad Ka Ganacsada Harimacadka

Hargeysa(Hayaannews)Dawlada Mareykanka ayaa u sacabatuntay xukun Maxkamada Hargeysa ku riday 4 ka mid ah dad ka ganacsanayay hariimacadka,kaasi oo sifo sharci darro ah loogu dhoofiyo Geeska Afrika.

Qoraal ay soo saartay, Waaxda Arimaha Dibada ee Mareykanka, ayaa lagu bogaadiyay xukun ay maxkamada Hargeysa ku riday 4 kamid ah ganacsatada ka ganacsata Harimacadka  ee Somaliland.

Qoraalka hambalyada ah ayaa lagu sheegay in dowladda Mareykanku, ay u sacaba tumayso xukunka ay maxkamada Hargaysa dhawaan ku riday 4 ka mida ganacsatada ka ganacsata Harimacadka.

War-bixinta ayaa lagu sheegay in arrintani ay gundhig muhiima u tahay la dagaalanka dhoofinta Harimacadka ee Soomaaliya, kaasi oo si sharci daro ah looga dhoofiya Geeska Africa, loona iib geeyo waddamada Bariga dhexe, qoraalka ayaa lagu yidhi waa in la ilaaliya noocyada xayawaanka ee nugul.

Dhinaca kale Wasaarada Deegaanka ee Somaliland, ayaa iyaduna dhinaceeda jawaab celin ka sameysay warbixinta dowladda Mareykanka.

Qoraalka wasaarada ayaa lagu yidhi waanu bogaadinaynaa aqoonsiga aad aqoonsateen shaqada wanaagsan ee Somaliland laga qabtay laakin, Hargeyso maaha meel kamida Soomaaliya sida aad qoraalkiina ku xusteen ee waa Caasimada Somaliland.