Dowladda Soomaaliya Oo Ka Hadashay Go’aanka Maxkamadda ICJ Ee Dib U Dhigista Dacwadda Badda
October 18, 2019 - Written by admin
Muqdisho(Hayaannews): Ra’iisal
wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mahadi Maxamed Guulleed Khadar ayaa
sheegay in dowladda Soomaaliya soo dhaweyneyso in go’aanka maxkamadda ICJ ee
dib u dhigista Dacwadda Badda uu noqdo mid kama dambeys ah.
Ra’iisal wasaare ku-xigeenka ayaa
sheegay in Dowladda Soomaaliya hor u diiday dalabka dowladda Kenya ee ahaa in
dib loo dhigo dhageysiga Dacwadda mudo sanad ah, laakiin markan ay soo
dhaweynayaan dhinacooda in go’aankan uu noqdo mid kama danbeys ah oo ay
Maxkamaddu qaadatay.
Maxkamada ICJ waxay galabta
go’aamisey in dhigeysiga dacwada badda ee u dhaxeysa Somalia iyo Kenya laga
dhigo June 8- 12, 2020. Iyadoo go’aankeeda ku cadeeysey inay fileyso in labada
waddan u yimaadaan dhigeysiga maxkmada. Go’aankaana u yahay mid kama dambeys
ah.
Kenya ayaa labo jeer oo hore codsatay in dib loogu dhigo dhageysiga dacwadda Dowladda Soomaaliya-na waa ay ka biyo diiday, balse Maxkamada ayaa labadaa jeerba dib u dhigtay, inkastoo uu u muuqdo in go’aankan danbe uu noqonayo mid kama dambeys ah oo marka la gaaro bisha June la guda-gali doono dacwada iyo dhageysigeeda.