Dowladda Soomaaliya Oo Ka Soo Horjeesatay Magacaabista Ergeyga Midowga Afrika

Muqdisho(Hayaannews): Dawladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu gudbisay Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika inay kasoo horjeeddo magacaabista John Mahama ee ergayga Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Warqad uu Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq u qoray Guddoomiyaha Guddiga Midnimada Afrika Moussa Faki Mahamat oo sax ahaanshaheeda ay xaqiijisay VOA Somali, kuna taariikheysan 9-ka May, ayey dawladda Soomaaliya ku sheegtay inaysan taageero siin doonin John Mahama oo ahaa madaxweynihii hore ee Ghana.

John Mahama waxa lasoo magacaabay 7-dii May si uu hoggaamiyayaasha Soomaalida ugala shaqeeyo sidii ay heshiis wadar-oggol ah uga gaadhi lahaayeen in doorasho ku dhacdo waqtiga ugu gaaban uguna suurto-galsan.

Warqadda uu Wasiirka Arrimaha Dibedda u qoray Moussa Faki Mahamat waxay Soomaaliya ku sheegtay in magacaabista ergay ee Mahama aysan haatan shaqaynayn sababtoo ah hannaanka heshiiska lagu wada yahay waxa billaabay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, iyadoo kulan loo madlan yahay 20-ka May.

Waxay sheegtay Soomaaliya in magacaabistan ay jahawareer iyo siyaasadayn gelin karto hawsha Ra’iisul Wasaaraha oo billaabatay.

Waxay kaloo Soomaaliya su’aal ka keentay dhex-dhexaadnimada John Mahama oo ay sheegtay inuu xidhiidho qoto dheer la leeyahay hoggaanka Kenya.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee www.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somailand