DP World Oo Ka Jawaabtay Hadalkii Uu Madaxweynaha Djibouti Ku Duray Dekedda Berbera

Hargeysa(Hayaannews) – Shirkadda  DP world ee maalgashiga ka wadda dekedda Berbera ee  Somaliland ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay hadal uu dhawaan Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geele ku sheegay inaanu jirin wax horumar ah oo DP world ka samaysay dekedda Berbera.

Madaxweyne Geele oo dhawaan waraysi uu la yeeshay wargeyska  The Africa report, ayaa wuxuu sheegay inaanu jirin wax horumar ah oo ay DP world ku samaysay dekedda Berbera. Haseyeeshee war-murtiyeed ay DP world  soo saartay waxay ku sheegtay inaanay waxba ka jirin hadalada MadaxweyneGeele, “Sheegashada Madaxweynaha ee ah inaanu jirin wax horumar ah oo ka socda dekedda Berbera waa been abuur aan ku salaysnayn aragtida macquulka ah ee madaxweynaha.” Ayay tidhi DP world, waxaanay intaas raacisay, “DP world waxa kago’an inay ku maalgeliso $ 442 Milyan dollar horumarka dekedda Berbera, waxaana dhammaaday 70%  ka mid ah, waxaanay kor u qaadi doontaa awoodda 500,000 TEUs sannadkiiba.”

 

DP world waxay sheegtay in bishii August ee sannadkan ay dhamaystirtay 400m oo cusub oo lagu kordhiyay terminaalka cusub ee koontiinarada, iyadoo sidoo kale rakibtay wiish cusub, waxaana la filayaa in dhismaha terminalkan la dhammaystiro bisha March ee sannadka soo socda.

Geeska Afrika

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland