DP World Oo Sharaxday Waxyaabaha Uu Qaban-doono Aaga Cashuuraha Ka Caagan

Berbera (Hayaannews) – Shirkadda DP World, ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku faahfaahisay waxyaabaha uu qaban doono Aaga Cashuuraha ka Caagan ee shalay Berbera laga daah-furay.

DP World, ayaa sheegtay in Aagga Cashuuraha ka Caagan ee Berbera muhiimadiisu tahay in uu abuuro deegaan ku habboon ganacsiga si Somaliland u soo jiidato maalgashiga, shaqo abuurna loo sameeyo.

Waxay sheegtay in xarruntan midaysan ee badda, saadka iyo ganacsiga ay u adeegi doonto Geeska Afrika.

DP World, waxay sidoo kale sheegtay in qorshaha guud ee Aagga Cashuuraha ka Caagani uu gaadhsiisanyahay in ka badan 1,200 hektar islamarkaana la balaadhin doono mudo kadib marka baahida loo qabaa korodho.

Hoos ka akhri qoraalka DP World

“Aagga Cashuuraha ka Caagan ee Berbera muhiimadiisu waa in uu abuuro deegaan ku habboon ganacsiga si Somaliland u soo jiidato maalgashiga, shaqo abuurna loo sameeyo.

Dekadda Berbera iyo Aagga Cashuuraha ka Caagani waxay u yihiin Somaliland xudunta isku dhafan ee badda, ganacsiga iyo saadka ee Geeska Afrika.

Furitaankani waxa uu daba socday daah-furka xarunta cusub ee konteenarada ee Dekedda Berbera ee bishii Juun 2021. yoolka DP World ee Berbera waa sidii loo sameenlahaa xarun ganacsi, iyada oo ka faa’iidaysanaysa goobta istaraatiijiga ah ee ay ku teedsan tahay mid ka mid ah marinnada badda ee ugu mashquulka badan caalamka, isla markaana ay gasho dhulka baaxada miyiga leh ee gobolka Geeska oo ay Itoobiya ku jirto.

Aaga Cashuuraha ka caagani wuxuu 15 Km oo keliya u jiraa Dekedda, waxuu sii racsanyahay Jidka Berbera ilaa Wajaale (Berbera Corridor) ee isku xidha Addis Ababa, Itoobiya, kaas oo u baahan marin-badeedyo badan si uu u buuxiyo shuruudihiisa ganacsi.

Xaruntan midaysan ee badda, saadka iyo ganacsiga, ayaa u adeegi doonta Geeska Afrika, oo ah gobol koraya oo ay ku nool yihiin in ka badan 140 milyan oo qof.

Waxuu ku salaysan yahay qaabka midha dhalka ah ee Aagga Cashuuraha ka Caagan ee Jebel Ali Free Zone (Jafza) ee DP World ee ku yaala Dubai. Waxa kale oo jiri doona is-kaashi u dhexeeya labada Aag, iyada oo shirkadaha Dubia ku yaala Berbera iska diwaangelin karaan iyaga oo u sii dhex maraya Xafiisyada Jafza, halka shirkadaha Berbera ku yaala ay awood u yeelanayan adeegyada xarumaha wax-soo-saarka ee Aaga Cashuuraha ka caagan ee Jafza .

Aagga Cashuuraha ka Caagan waxa loogu talagalay in uu abuuro degaan ku habboon ganacsiga si loo soo jiito maalgashi iyo shaqo abuurna loo sameeyey Somaliland.

Waxaa ka mid ah deegaan tartan iyo waxtar leh, oo uu saamaxay xeerka cusub ee Aaagga Cashuuraha ka caagan, shirkadaha Aagga Cashuuraha ka Caagan, dhiirigelinta maaliyadeed iyo kuwa aan maaliyada ahayn, oo ay weheliso xafiis adeeg oo loogu talagalay in uu sameeyo diiwaangelinta iyo ruqsadaha ligaaga bahanyhay, xafiisyo casri ah, bakhaaro alaabta la dhigto, iyo dhulal banaan ood kiraysan karto.

DP World, ayaa hore heshiis ula gashay IFFCO oo ah shirkad weyn oo laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta si ay u dhisto 300,000 square feet oo lagu farsameenayo Saliida cuntada Aagga Cashuraha ka Caagan dhexdiisa, waxaana hore isu diiwaangeliyey dhawr iyo toban shirkadood oo kale oo ka shaqeeyaba waxyaalo kala duwan.

Sultan Ahmed bin Sulayem, Gudoommiyaha ahna madaxa fulinta DP World, ayaa yidhi: “Dhaqdhaqaaqa ganacsiga caalamiga ah wuu isbedelayaa, waxaana sii kordhaya baahida loo qabo kaabayaasha ganacsiga, sida aagagga Cashuuraha ka Caagan, si sahlan oo degdeg ah loogu helo isku gooshitaanka caalamiga. tani waxay sababaysa in shirkadaha u soo dhawaadan macaamiishooda, wanaajiyaan saadka waxayna u oggolaanaysaa inay ku fidaan suuqyo cusub. Isku-xidhka Dekedda Berbera iyo Aagga Cashuurahan ka Caagan ee cusub ayaa tusaale weyn u ah arrintaas, taas oo Berbera ka dhigaysa hab-ganacsiyeed heer caalami ah, hadda iyo mustaqbalkaba”.

Qorshaha guud ee Aagga Cashuuraha ka Caagani wuxuu gaadhsiisanyahay in ka badan 1,200 hektar waxaana la balaadhin doonaa mudo kadib marka baahida loo qabaa korodho.

Wejigii kowaad oo imika furan, waxa ay bixinaysaa dhulal loogu adeego dhismaha xarumaha shirkadda, 10,000 mitir oo laba jibbaaran oo bakhaaro kayd ah oo hore loo diyaariyey, iyo dhul diyaar u ah inaa dhisato, kayd barxad furan ah, bakhaar kayd oo la wada isticmaali karo oo ay DP World ku adeegi doonto kaargooyada macaamiisha iyo sidoo kale meel xafiis oo leh adeegyada IT ga oo gees ilaa ka gees ah.

Dekadda Berbera waa deked ujeedooyin badan leh oo leh kaabayaal heer caalami ah oo ay ka mid yihiin badeecadaha waaweyn iyo kuwa jabsiga, awood u yeelashada shixnadaha dareeraha ah, iyo teerminaal casri ah oo konteenarada laga soo dejiyo.

Waxay leedahay qoto dheer oo ah 17m, kaal 400m ah iyo sadex wiish oo STS  ah, kuwaas oo loo adeegsankaro maraakibta konteenarada ugu waaweyn ee maanta shaqeeya. Waxa kale oo ay awood u leedahay in ay qabato 500,000 oo konteenar unit ah TEUs sannadkii.

Teerminalka waxa kale oo ku jira barxad konteerada oo casri ah oo leh sideed wiishashka RTGs, ah iyo xarun xafiisyo adeeg leh.

Dekadda Berbera waa udub dhexaadka dhaqaalaha. balaadhinta awgeed waxaa la filayaa in ay ganacsiga fududayso ku dhawaad 27 boqolkiiba GDP-ga Somaliland iyo 75 boqolkiiba ganacsiga gobolka marka la gaadho 2035. Aaga Cashuuraha ka Caagani waxaa uu fududayn doonaa ganacsiga Somaliland iyo waliba guud ahaan Geeska Afrika.

Tani waxay faa’iido u tahay dhinacyo kala duwan oo ka mid yihin dhoofiyayaasha, soo dejiyasha, xoolaha, alaabada beeraha iyo waxyalaha hore u xumaanaya, marmarada, iyo qalabka dhismaha.”

 

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

#Mustafe_Janaale

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com