Dufcadii Kowaad Oo Ka Baxday Kulliyada Saraakiisha Ciidanka Booliska Somaliland

Hargeysa (Hayaannews)- Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sarreeye Guuto Maxamed Aadan Saqadhi ayaa tabobar  u soo xidhay saraakiil hore ugu soo baxay Kuliyada ciidamada qaranka Cabdilaahi Askar ee (Dararweyne), kuwaasi oo mudooyinkii u dambaysay loo dhigaayay casharo la xidhiidha barashada shuruucada ciidanka booliska Somaliland iyo xeerarka ay ku shaqeeyan.

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sarreeye Guuto Maxamed Aadan Saqadhi ayaa saraakiishan kula dardaarmay in ay wax ka bedal la mahadiyo ku sameeyaan Ciidan weynaha booliska, maadaama ay yihiin sarakiil aqoon leh oo ka soo baxay jaamacadaha dalka iyo waliba qaar dalka dibadiisa ah, qaatayna tababaro la xidhiidha xeerarka ay ku shaqayn lahaayeen.

Saraakiishan tabobarka loo soo xidhay ayaa ah dhallinyaro go’aansatay in ay ku shaqeeyaan xirfada sugida ammaanka iyo ilaalinta nafta iyo hantida shacabweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somailand