Dugsiga Hogaamiyaasha Mustaqbalka Oo Laga Furay Magaalada Burco

Burco (Hayaannews)- Marwo Sucaad Cabdiraxmaan Cali oo ah aqoonyahanad ku takhasustay Waxbaarshada ayaa magaalada Burco ka hirgelisay dugsi jiilka mustaqbalka soo saara oo lagu barto aqoonta diiniga iyo maadiga ee casriga ah.

Dugsigan oo la yidhaahdo Akadeemiga Hogaamiyeyaasha Burco ayaa la sheegay, si loo dhiso maskaxda caruurta Dugsigu ka bilaabay aqbalaada da’da saddex jirka ee xanaanadda ilaa dugsiga sare, sida ay Sucaad C/raxmaan u sheegay weriye Maxamuud Walaaleye oo ka tirsan wargeyska The Horn Tribune, ee Dawan Media Group.

“Waxaan baadhis waday siddeedii sanno ee la soo dhaafay, si aan bulshadayda u caawiyo, baadhistaa waxaan ku ogaaday in dadkeenu noloshii meel sare ka bilaabeen, taas oo ilowsiisay inay ka fekeraan aasaaska nolosha iyo barbaarinta ubadka iyo dhisitaanka aqoontooda, “ ayey tidhi Marwo Sucaad. Waxayna intaasi raacisay “Kordhinta aqoonta carruurta ee barashada cilmiga diinta iyo tan casriga ah iyo xirfado kale si ardayda looga caawiyo inay ku raaxaystaan ​​barashada aqoonta iyo jacaylka iskuulku, waa qayb ka mid ah manhajkooda.”

Iskuulkan oo la sheegay inuu ku dhaqmayo manhajka dowladda Somaliland oo ay weheliso mid dibadeed, wuxuu leeyahay fasallo casri ah oo leh kaabayaasha teknolojiyada aqoonta isku dhafan.

Marwo Sucaad ayaa sheegtay inay qorsheynayaan taakuleynta dadka saboolka ah ee bulshada iyo taageerida waxbarashada carruurta agoonta ah, isla markaana xiligan ay jiraan arday qoysaska danyarta ah oo waxbarasho bilaash ah la siiyaan.

Marwo Sucaad, waxa kale oo ay talo iyo waano u jeedisay waalidiinta waxaanay tidhi “Waalidiinta waxaan ku boorinayaa inay ku dedaalaan waxbarashada iyo barbaarinta ubadkooda si ay berrito ugu faa’iideeyaan ​​naftooda, waalidkood iyo bulshadooda.”

Inta badan dadka reer Somaliland ayaa si weyn u soo dhoweeyeen furitaanka iskuulka, waxayna bogaadiyeen maamulka iyo hawlwadeenada ka shaqeeya, maadama wax kastoo hagaajinaya mustaqbalka caruurta wanaagsan loo baahan yahay soo kordhinteeda.

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

Email:Hayaannewssoma@gmail.com