Edna Aadan Oo Loo Doortay Madaxweynaha Ururka U Dooda Waddamada Aan La Aqoonsan Ee #UNPO

 Hargeysa (Hayaannews): – Drs Edna Aadan Ismaaciil oo ah umuliso caana, oo reer Somaliland ah, ayaa loo doortay in ay noqoto madaxweynaha urrurka UNPO, oo ah urrur u dooda waddamada aan la aqoonsan, oo xaruntiisu tahay magaalada Hague ee dalka Netherlands.

Urrurkan oo la aas aasay February 11, 1991, ayaa loo asaasay in uu u doodo waddamada iyo bulshooyinka aan matalalaada ku haysan caalamka, iyo bulshooyinka la hayb-sooco, sidoo kale wuxuu ka shaqeeyaa arrimaha xuquuqda aadanaha, dimuquraadiyada iyo xuquuqda gooni isutaaga waddamada.

Sidoo kale, Elisenda Palusie Catalonia, ayaa loo doortay madaxweyne ku xigeenka kowaad, Rubina Greenwood Sindh, ayaa dhanka kale urrurku u doortay madaxweyne ku xigeenka labaad.

Drs Edna Aadan Ismaaciil, oo ah umuliso caan ka ah guud ahaan Somaliland iyo caalamka, ayaa ah shakhsi ku ad adag qadiyada gooni isu taaga Somaliland, waana ergayga gaar ka ah ee Somaliland u qaabilsan wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya inkasta oo Somaliland sheegtay in wadahadaladii burbureen.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeisa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com