Erdogan iyo Boqor Salman Oo Is-Faham Gaadhay

Riyadh(Hayaannews): Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa kala hadlay boqor Salmaan-ka Sacuudiga sidii lagu xoojin lahaa xidhiidhka labada dal, oo aad u xumaaday wixii ka dambeeyey dilkii weriye Jamaal Khaashuqji, sida uu sheegay xafiiskiisa.

Wada-hadalka labada hoggaamiye oo ku dhacay khadka taleefonka ayaa yimi ka hor shirka dalalka G20 ee Riyadh oo qaab online ah u furmay shalay.

“Madaxweyne Erdogan iyo boqor Salmaan waxay isku raaceen inay sii furnaadaan marinada wada-hadallada, si sare loogu qaado xiriirka labada dhinac, islamarkaana xal loogu helo arrimaha taagan,” ayaa lagu yidhi qoraal kasoo baxay madaxtooyada Turkiga.

Turkiga iyo Sacuudiga ayaa muddo ku loolamayey hoggaanka dunida Muslimka, hase yeeshee xiisadda ka dhex oogan ayaa cirka gashay markii qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul lagu dhex dilay weriye Jamaal Khaashuqji, bishii October 201.

Kiiskan ayaa dhaliyey dhalleeceyn caalami ah, wuxuuna si weyn u dhaawacay sumcadda dhaxal-sugaha Sacuudiga Mohamed Bin Salman, kaasi oo lagu eedeeyey inuu ka dambeeyey dilka, eedyentaas oo Bin Salman uu beeniyey.

Erdogan ayaa sheegay in amarka lagu dilay Khaashuqji, oo ahaa weriye Sacuudiyaan ah, uu ka yimid mas’uuliyiinta sare ee Sacuudiga, hase yeeshee si toos ah uguma eedeyn Mohamed Bin Salman.

REUTERS

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland