Erdogan Oo Ka Cadhooday Go’aan ay Gaadhay Maxkamadda Yurub

Ankara(Hayaannews): Madaxweynaha Turkey ayaa ku eedeeyeey Maxakamadda Yurub ee Xuquuqada Aadanaha “inay difaacday argagixiso” kadib markii ay xukmisay in Turkey ay si deg deg ah xabsiga uga sii dayso siyaasyi Kurdish oo caan ah.

Isaga oo la hadlayey xildhibaanada baarlamanka ee xisbigiisa ayaa Recep Tayyip Erdogan waxa uu siyaasiga xabsiga ku jira ee Selahattin Demirtas ugu yeeray “argagixiso” mas’uul ka ahaa dhimashada tobanaan qof, intii uu socday dibadbax dhacay shan sano kahor.

Erdogan ayaa sidoo kale ku eedeeyey Demirtas inuu xiriir la leeyahay koox sharci-darro oo Kurdish ah.

Siyaasigan Kurdish-ka ah ayaa wajahaya 142 sano oo xabsi ah, ayada oo loo haysto eedo argagixiso, balse waa uu beeniyey inuu wax qalad ah sameeyey.

Demirtas ayaa la-hoggaamiye ka ahaa xisbiga labaad ee ugu weyn Turkey ee HDP, kahor inta aan la xirin bishii November ee 2016. Waxa uu laba mar madaxtinimada kula tartamay Erdogan, oo mid ka mid ah uu xabsiga ku jiray.

Talaadadii, golaha sare ee Maxkamadda Yurub ee Xuquuqda Aadanaha ee magaalada Strasbourg ayaa xukmiyey in afarta sano ee uu xabsiga ku jiro Demirtas ay tahay sharci-darro, laguna xadgudbay shanta waxyaabood ee aas-aasiga u ah xuquuqdiisa, oo ay ku jirto xoriyadda hadalka.

Erdogan ayaa sheegay in maxkamadda Yurub ay “si aan caadi aheyn” wax u xukmisay, sababtoo ah Demirtas iyo qareenadiisa “ma aysan marin dhammaan marinada sharciga ah ee ay ka heli karaan gudaha Turkiga.”

Waxa uu intaas ku daray in maxkamadda aysan xukun ridi karin ayada oo dhinac mareysa nidaamka cadaaladda iyo maxkamadaha Turkiga.

AP