Ergayga Dhex-dhexaadinta Ethiopia Oo War Cusub Soo Saaray iyo Wararkii Ugu Danbeeyey Xiisada Ka Aloosan Ethiopia.

Addis Ababa (Hayaannews)- Ergayga gaarka ah ee ururka Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha Geeska Afrika, Olusegun Obasanjo, ayaa rejo ka muujiyay in wada-hadal lagu soo afjari karo dagaalka muddada sanadka ah ka socda dalka Itoobiya, balse waxa uu ka digay in natiijo dhammeystiran laga gaadho wada-hadallada iyada oo aan xabbad joojin degdeg ah la helin.

Madaxweynihii hore ee Nigeria ayaa hoggaaminaya dadaalo caalami ah oo lagu doonayo in lagu soo afjaro colaadda u dhaxaysa dowladda Itoobiya iyo Jabhadda TPLF, taas oo galaafatay nolosha kumannaan qof, kuna barakaceen in ka badan laba milyan oo qof, halka boqolaal kun ay soo wajahday xaalado macluul ah.

Obasanjo ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay In uu ku rejo-weyn yahay in labada dhinac wada-gaadhaan go’aamo la isku raacsanyahay oo ku aaddan xal nabadeed oo colaadda lagu soo af-jaro.

Laakiin iyada oo dagaaladu ay sii xoogaysanayeen todobaadyadii la soo dhaafay, waxa uu ka digay in wada-hadalladan oo kale aanay ka soo bixi karin jawiga colaadd milateri ee sii kordhaysa.

“Waxaan ka codsanayaa hoggaanka dhammaan dhinacyada inay joojiyaan weerarradooda. Tani waxay fursad u siin doontaa wada-hadallada inay horumar sameeyaan,” sidaas ayuu yidhi Mr Obsanjo.

Hadalka Madaxweynihii hore ee Nigeria, ayaa yimid maalmo ka hor booqasho la filayo inuu saddex waddan oo Afrikaan ah ku tago Xoghayaha Arimaha Dibada ee Maraykanka Antony Blinken oo taageeray dadaalka Obasanjo ee dhexdhexaadinta, wuxuuna ku hanjabay inuu cunaqabatayn ku soo rogi doono xukuumadda Abiy iyo kooxda TPLF haddii aanay hore ugu socon wada-hadalada.

Doladda Federaalka ah ee Itoobiya ayaa Khamiistii shuruudo ku xidhay in ay wada-hadal la gasho kooxda TPLF, waxaana shuruudahaas ka mid ah in la joojiyo weerrarada iyo in laga baxo gobolada Axmaarada iyo Canfarta ee xuduudka la leh gobolka Tigray oo ku yaalla Woqooyiga dalka Ethiopia

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Mustafe_Janaale(#MJ)

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com