ETHIOPIA: Abiy Ahmed Oo Ku Dhowaaqay Inuu Dhammaaday Dagaalka Tigray-gu

Addis-ababa (Hayaannews): Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa ku dhowaaqay inuu dhammaaday dagaalka gobolka Tigray kadib markii ciidamada dowladda ay si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta magaalada Mekelle ee caasimadda gobolka Tigray.

War qoraal ah oo ra’iisal wasaaraha Ethiopia Aby Ahmed uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay ayuu ku sheegay, inay gudaha u galeen magaalada Makelle, iyadoo aan la bar tilmaameedsanin dadka rayidka ah ee aan dambiga laheyn.

Sidoo kale madaxa milatariga Ethiopia Birhanu Jula ayaa isagana bartiisa Facebook ku sheegay inay magaalada gacanta ku hayaan.

Hogaamiyaha ururka TPLF ee dagaalka kula jira dowladda Ethiopia Debretsion Gebremichael ayaa wakaaladda wararka ee Reutres u sheegay inaanay quusananin.

Mar la weydiiyay hadii ay dagaalka sii wadayaan ayuu ku jawaabay in tani ay tahay difaacidda xuquuqdooda iyo aaya ka tashigooda.

Debretsion Gebremichael ayaa sidoo kale Reuters u sheegay in Mekelle oo nus million dad ah ay ku nool yihiin duqeymo xooggan ay ku socdeen afartii todobaad lasoo dhaafay.

Aby Ahmed ayaa sheegay in qabsashada Mekelle kadib ay hor yaallaan howlo muhiim ah oo ay ka mid yihiin dib dhiska iyo dayactirka waxii ku burburay dagaalka iyo soo celinta dadkii ka qaxay iyadoo muhiimad la siinayo in sidii caadiga aheyd lagu soo celiyo xaaladda dadka gobolka Tigray.

Wakhtigii kama dambeysta ahaa ay dowladda Ethiopia u qabatay ururka TPL inay ay hubka isaga dhigaan ama ay wajahaan dagaal adag ayaa ku ekaa Arbacadii lasoo dhaafay.

Kumanaan dad ah ayaa la rumeysan yahay in dagaalka ay ku dhinteen in ka badan 40 kun oo qaxooti ahna ay u carareen dalka ay dariska la yihiin ee Sudan iyagoo colaadda ka baxsanaya, sidoo kale goblka Tigray ayaa xuduud la leh dalka Eriterea.

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

Email: Hayaannewssoma@gmail.com