Ethiopia Oo Ku Dhowaaqday Qabashada Doorashooyin

Addis-ababa(Hayaannews): Ethiopia ayaa qaban doonta doorashada baarlamaanka 5-ta June ee sanadka 2021, sidaasina waxaa Jimcaha maanta ah sheegay guddiga doorashooyinka qaranka, iyada oo ra’iisul wasaare Abiy Ahmed uu isku dayayo in uu joojiyo rabshadaha siyaasadeed iyo qowmiyadeed ee dhimashada badan dhaliyay ee ka dhacay dhowr gobol.

Xisbiga Prosperity ee uu Abiy Ahmed aas aasay sanad ka hor, ayaa wajahaya caqabado uga imanaya xisbiyada ku abtirsada qowmiyadaha ee sii xoogeysanaya kuwaasi oo doonaya awood dheeri ah oo ay u helaan gobolladooda.

Dalka labaad ee ugu dadka badan qaaradda Afrika waxa uu leeyahay nidaam federaal ah iyo 10 dowlad goboleed, oo in badan oo ka mid ah ay ka dhex jiraan muranno xuduudeed.

Gobolka Waqooyiga ee Tigray, kumanaan dad ah ayaa la rumeysan yahay in ay ku dhinteen, 950,000 oo qofna ay ka barakeceen guryahoodii tan iyo markii uu dagaalka u dhexeeyay xoogagga gobolka iyo dowladda federaalka uu qarxay 4-tii November.

Tigray ayaa bishii September si iskeed ah u qabatay doorashadeeda, iyadoo ka dhega adeegaysa dowladda federaalka, oo ku tilmaamtay doorashadaasi mid sharci darro ah.

Guddiga doorashada ayaa sheegay in jadwalka taariikhda sanadka soo socda ee codbixinta aysan ku jirin doorasho ka dhacda gobolka Tigray.

Waxa uu guddigu sheegay in ay ku dhawaaqi doonto taariikhda doorashada gobolkaasi ka dhaceysa marka uu maamulka KMG ah ee gobolkaasi loo dhisay xilligii ay colaaddu socotay uu awood u yeesho in ay xafiisyada doorashooyinka ka hirgeliyaan halkaasi.