Fadliga Soonka ku jira

Bisha Ramadaan waxay leedahay Fadli badan oo Ilaahay ku gaar yeelay,

Fadligaa waxa ka mid ah:In Ilaahay Qur’aanka soo dejiyey Bisha Ramadaan, Gaar ahaan habeenka Laylatul Qadriga sida ku cad Aaydaha ku jira suuratul Dukhaan tilmaamayaan iyo Suuratul Qadri.

Waxan soo dejiney(quraanka) Habeen barakaysan,(laylatul Qadriga), Fadliga bisha ku gaarka ah waa ka mid ah in marka bisha Ramadaan bilaabanto la furo Albaabada Janada, la xidho Albaabada Naarta, Shaydaanada waaweyna la xidh xidho sidaa wax tilmaamay Nebigeena NNKH isagoo yidhi: (Marka Ramadaanku yimaado waxa la furaa Albaabada janada, waxa la xidhaa Albaabada naarta, Shaydaanada waa la xidhxidhaa) waxa weriyey Bukhaari iyo muslim.
Faa,iidada Xadiiska


1- Fadliga Ramadaanka iyo qiimahiisa oo xadiisku sheegay.

2- In marka ramadaan soo galo la furo Albaabada janada taas oo macnaheedu yahay khayrka janada lagu gelayo oo badanaya,
3- La xidho albaabada Naarta taas oo mahnaheedu yahay in camalka naarta lagu gala yaraanayo.

4- La xidhxidho shaydaanda, shaydaanku bisha ramdaan sidii uu muslimiinta ugu awooda badnaa uguma awod badna, kiisa waaweyn ee dunuubta dadka ku ridana waa la xidhaa oo shar kuma ridi karo. Riwaayadaha qaar waxay sheegeen in shaydanka kiisa madaxa adag la xidhxidho, taas oo laga fahmi karo in aan dhamaan shaydaanku xidhxidhnayn ee kiisa yaryari fasaxna yahay.

Fadliga bisha Ramadaan waxa ka mid ah :

In Ilaahay u denbi dhaafo qofka sooma bisha isaga oo rumaysan ,Ilaahayna ajri kaga doonaya
Sidaa waxa inoo sheegay Nebigeena NNKH waxa uu yidhi:

Qofkii sooma Ramadaanka isaga oo rumaysan Ilaahayna ajri kaga doonaya waxa loo dhaafaa denbigiisii hore.
Faa’iidada xadiiska:

Xadiidku wuxuu inoo sheegay in laba shardi qofkii laga helo soonkiisa in loo denbi dhaafayo
1- Qofkii sooma isaga oo rumaysan jaawibnimada soonka iyo in Ilaahay faral kaga dhigay gudashadiisa
2- Ajrina kaga doonaya Ilaahay oo aanu soonku culays iyo dhib ku ahayn eeku farxsan xukunka alle.
In loo dhaafo denbigiisii tegey oo ah denbigii yaryaraa, denbiga waaweyn wuxu u baahan yahay toobad keen .
Fadliga Bisha Ramadaan waxa ka mid ah:

In Ilaahay si gaar ah uga sheegtay Soonka Camaladii kale ee la qabanayey, mushaqaayda soonkana uu yidhi anigaa bixinaya
Xadiisul Qudsi ayuu Ilaahay ku yidhi:

(Camalada dhamaan ibni aadamka ayaa iska leh, soonka mooyaane ,soonka anigaa iska leh , anigaana mushqaayadiisa bixinaya, soonku waa gaashaan, qofkiin marka uu sooman yahay yaanu qaylin (muran & Dood) ,yaanu Af xumoon, hadii qof caayo ama la dagaalamo ha yidhaahdo anigu wan soomanahay, Ilaahii nafta Muxamad Gacantiisa ku jirtay ayaan ku dhaartee , Bukhuurka afka Qofka soomani Ilaahay agtiisa wuu kaga udgoon badan yahay uduga miskiga. Qofka soomani wuxu leeyahay laba farxadood

1- markuu affuro wuxu ku farxayaa soonkiisa

2- markuu Ilaahay la kulmona wuxu ku farxayaa soonkiisa.) Waxa weriyey labada sheekh.

Faa’iidad xadiiska :

1- In Ilaahay si gaar ah u sheegtay soonka , camalada kalena uu yidhi waxa iska leh bani aadamka, waayo soonka ma soo geli karaan istus iyo is maqashiis ,halka camalda kale ay soo geli karto in qofku wax kale cid kaga doonayo
2- Soonka in Ilaahay yidhi anigaa mushqaayadiisa si gaar ah u bixinaya, mana sheegin inta uu leegyahay, laakiin waxa la rajaynayaa inuu ahaado mid weyn oo qofku ku farxi doono marka uu Ilaahay la kulmo.
3- Soonku wuxu gaashaan ka yahay dhamaan waxyalaha xun xun iyo shahwaadka naftu doonto.
4- Qofku markuu sooman yahay inuu dhawrto soonkiisa kana taxadaro wixii wax u dhimaya ajrigiisana nusqaaminaya. Hadii qof ku soo xad gudbo waa inuu u sheego inuu sooman yahay oo soonkiisa ilaashanayo.
5- Waa in aanu dhib geysan , afxumadan iska ilaaliyo.

6- Wuxu inoo sheegay qiimaha uu leeyahay isbedelka iyo urta xunee ku dhaca afka qofka sooman , wuxu inoo sheegay inuu Ilaahay agtiisa kaga udgoon badan yahay cadarka miskiga.


7- Qofku wa inuu ku farxo marka uu cibaadada dhamaysto sidii Ilaahayba ku yidhi:

Inaad tirada bisha dhamays tirataan ,ilaahayna weyneysaan,oo u takbiirataan, khayrka uu idinku hanuuniyey, iyo inaad u shukri naqdaan.

8- Qofka soomani wuxu ku farxi doona soonkiisa markuu Ilaahay la kulmo iyo markuu afuro ee soonkiisa dhamys tirto