Germany(Hayaannews): Alle ha u naxariiste Fanaankii weynaa ee Soomaaliyeed Cabdi Cali Bacal-waan ayaa xalay ku geeriyooday Magaalada Mainz ee dalka Jarmalka.
Fanaankan Cali Cabdi-bacal-waan ayaa geeriyooday, kadib markii uu toddobaadadii ugu danbeeyey uu xanuunsanayay isaga oo ku jiray xaalad miyir la’aana.
Marxuum Bacalwaan ayaa waxa uu ka mid ahaa tiirarkii Hobalada Waabari isaga oo ku luuqayay Heeso tiro baddan oo isugu jira Jaceyl iyo Waddani, waxaana uu ahaa Fannaan si weyn looga yaqaano dhulka Soomaalidu degto, isla markaana heesihiisa aad loo jecel yahay
Bacalwaan mar uu wareysi siinayay mid ka mid ah warbaahinta Soomaalida wuxuu sheegay inuu fanka soo galay sanadkii 1965, isagoo kaalinta koowaad ka galay tartan faneed lagu qabtay magaalada Muqdisho. Wuxuu ku biiray kooxdii Xoogga Dalka, isagoo markii dambe ka mid noqday Hoballada Waaberi oo safka hore kaga jirtay fankii Soomaalida.
Bacalwaan wuxuu sidoo kale ahaa laxamiiste, wuxuu sheegay in heestii ugu horreysay ee uu laxanka saaro ay ahayd heestii `Hoheey Afrikaay Huruddooy` ee ay qaaddo Allaha u naxariistee Xaliimo Khaliif Magool.
Fannaanadda Khadiijo Foodey Nuur oo ka tirsaneyd kooxdii Hoballada Waaberi isla markaana aqoon fiican u lahayd Bacalwaan ayaa BBC-da uga warrantay qofka uu ahaa Bacalwaan.
“Bacalwaan wuxuu ahaa qof dhan walba ku fiican, haddii ay noqoto jilaanimada iyo heesaha. wuxuu ahaa qof ka dhex muuqday fannaaniinta, qof furfuran ayuu ahaa oo ay fannaaniinta iyo bulshaduba jecleyd.”Ayey tidhi.
Khadiijo Foodey ayaa sheegtay in markii ay dagaallada sokeeye dalka ka qarxeen, uu Bacalwaan ka mid ahaa fannaaniinta qaxday. Sanadihii 1990-meeyadii ayay sheegtay inuu soo galay magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya, halkaas oo uu ka aaday dalka Jarmalka oo uu muddooyinkii ugu dambeeyay ku noolaa.
Tifaftiraha Shabakada Wararka ee Hayaannews Mustafe Cabdi Maxamed (Mustafe-Janaale) iyo dhamaan hawl-wadeenada ka hawlgala waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan guud ahaan umadda Soomaaliyeed, gaar ahaan bahda Fanka iyo Suugaanta ee uu ka baxay Alle ha u naxariiste Marxuum Cali Cabdi-Bacalwaan oo ku geeriyooday xalay oo ay taariikhdu ahayd 23/12/2020 Magaalada Mainz ee dalka Jarmalka.
Marxuumka waxaan ILAAHAY uga baryeynaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii iyo guud ahaan Bahda iyo Fanaaniinta ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan ha innaga siiyo.
Hayaannews, Office
Hargeysa, Somaliland
Email: Hayaannewssoma@gmail.com