Fannaanadii Waynayd Faadumo Cali Nakruuma Oo Geeriyootay Magaalada Muqdisho.

Muqdisho (Hayaannews)- Alle ha u naxariistee fannaanadii weynayd ee dhulka Soomaalidu degto caanka ka ahayd Faadumo Cali Nakruuma ayaa maanta ku geeriyootay Magaalada Muqdisho.kadib markii ay maalmihii u danbeeyey xaalad caafimaad u jiiftay Cusbitaalka Martiini.

Fanaanadan oo ka mid ahayd 12 gabdhood  ee lagu aasaasay hobolada WAABERI, ayaa waxay u geeriyootay xanuunka Safmarka ee Coronavirus oo ay maalmihii u danbeeyey u jiiftay.

Dhinaca kale, Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay geerida Fannaanad Nakruuma, isagoo ku sifeeyay inay ahayd Fanaanad qaran oo ka mid ahayd tiirarka fanka Soomaaliya.

Rooble ayaa ugu horeyntii geerida Faadumo Nakruuma uga tacsiyadeeyay qoyskeeda, bahda fanka iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna ku sifeeyay Fanaanad qaran oo kaalin weyn ka soo qaadatay dhismaha Qaranka iyo wacyi gelinta Bulshada.

“Waxaan qoyskeeda, bahda fanka & guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeynayaa geerida fannaanaddii Qaran Faadumo Cali Nakruuma. AUN Faadumo waxa ay ka mid ahayd tiirarka fanka Soomaaliyeed, waxa ayna kaalin weyn ka soo qaadatay dhismaha Qaranka & wacyi gelinta Bulshada,” ayuu ku yidhi ra’iisal wasaare Rooble.

Fannaanad Faadumo Cali Nakruuma ayaa ka mid noqonaysa Fannaaniin iyo Dad caan ah oo cudurka Coronavirus u soo ritay kuwaasi oo ugu dambeyntii ugu geeriyooday gudaha Soomaaliya iyo dibadiisa.